5463 Views

Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM Oo Kismaayo Tagtay

Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM Oo Kismaayo Tagtay
____________________________________________________________________________

Ms. Christine Alalo ayaa kulan kula qaadatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Faarax iyo saraakiisha ciidamada, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira amniga deegaanada Jubooyinka iyo gedo, iyo sidii wada shaqeyn wanaagsan ay u dhex mari laheyd.

Inta kulanka uu socday ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka AMISOM gaar ahaan qeybta Boliiska iyo Jubbaland iyo Kaalinta ay ka qaadan karaan dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada ammaanka ee u qidmeynaya bulshada.

Intaasi kaddib madaxdani booqdeen xarun cuusb oo lagu tababari dooono booliska oo laga hirgeliyay duleedka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku xareysanyihiin ciidamo qeyb ka noqon doona booliska Jubbaland.

Ku xigeenka taliyaha booliska AMISOM ayaa kormeertay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xarunta, iyadoo warbixinno ku aadan baahida ka jirta halkaasi ka dhageysatay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubbaland.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay soo idlaatay booqasha ayaa sheegay in madaxda AMISOM ay kala hadleen sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dhismaha booliska Jubbaland, isagoo sheegay in ay isla garteen in mudo laba isbuuc gudahood ah lagu bilaabo tababarka ciidanka.

Ms. Christine Alalo ayaa dhankeeeda sheegtay in ay aad usoo dhaweeynayaan dadaallada dib loogu dhisayo ciidamada booliska ee ay wadaan madaxda Jubbaland, iyadoo sheegtay in ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dhismaha booliska islamarkaana ay si deg deg ah ugu soo dhameystiri doonaan dhammaan waxyaalaha ay u baahanyihiin ciidamada uu tababarka u furmi doono.

cmp3.10.3.2Lq4 0x96a09810

cmp3.10.3.2Lq4 0x74cf44f3

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment