3798 Views

Madaxweynaha oo Ugu Baaqay Odayaasha Deegaannada Koonfur Galbeed In Ay Ku Dadaalaan Cadaalada

Madaxweynaha oo Ugu Baaqay Odayaasha Deegaannada Koonfur Galbeed In Ay Ku Dadaalaan Cadaalada
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 16 October 2015 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xili Shalay uu ka hadlayay munaasabad maalinimadii shalay lagu qabtay magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa uu odayaasha dhaqanka ee deegaanada Maamulka Koonfur galbeed Ee Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi kuna howlan soo xulista xildhibaanada maamulkaasi uu yeelanayo ugu baaqay in ay ku dadaalaan Cadaalada ayna ka fiirsadaan cida ay soo xulayaan.

Madaxweynaha ayaa odayaasha ku adkeeyay in ay hubiyaan shaqsiga ay ku soo darayaan Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ka hor inta aysan soo xulin la tashiyo badana ay ka sameeyaan si uu u noqdo shaqsi ku wanaagsan Dowladnimada daacadna u ah dalka iyo dadka, waxaana ilaah uu ugu baryay in uu u fududeeyo mas’uuliyadaasi culus.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sii hadlay ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada Dowladnimada ay u leeyihiin haweenka oo uu sheegay in nabada iyo dowladnimada aduunka  lagu cabiro hadba inta haweenka ay kaga jiraan Dowladda, waxaana wax wanaagsan uu ku tilmaamay in haweenka laga qeyb galiyo siyaasadda dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in mar walbo ay ku dadaalaan dib u heshiisiinta isagoo dalbaday in kor loo qaado calanka dib u heshiisiinta ee Cad, taasi uu ku tilmaamay in dalkeena muhiimad gaar uu u leeyahay, waxaana uu xusay in dib u heshiisiinta meel ay ku dhamaataa aysan jirin.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee shalay beydhaba uu ku tagay ayaa ku qotontay xog wareysi iyo ka talobixinta halka ay marreyso xulista barlamanaka mamaulka Koonfur galbeed.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment