6315 Views

Taliyaha Ciidanka booliska oo kormeeray xarumaha booliska ee Cadaado

Taliyaha Ciidanka booliska oo kormeeray xarumaha booliska ee Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16 October 2015 – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo shalay soo gaaray magaalada Cadaado ayaa kormeeray xarumaha ciidamada Booliska degmada,  isagoo kormeerkan uu ahaa mid uu ugu kuugur galaya qaabka ay u shaqeeyaan.

Sidoo kale Taliyaha iyo wafdiga la socday ayaa xalay munaasabad soo dhawayn iyo casho sharaf ah loogu sameeyay magaalada Cadaado, taas oo mas’uuliyiinta sare ee Galmudug ay ka qayb galeen.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed  ayaa kormeerkiisa ku soo gabangabeeyay xarunta Kafaalo oo loo qalabaynayo inay ku hawlgalaan golaha xukuumadda Galmudug,  isagoo sheegay inay taageero qalab iyo tababarba leh ay siinayaan Boliiska Galmudug.

Madaxwayne ku-xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa soo dhaweeyay balanqaadyada lagu horumarinayo Booliska Galmudug ee uu u sameeyay taliyaha ciidanka booliska, waxaana uu ku sii sagootiyay garoonka.

Ugu dambayn wafdiga Taliyaha Boolsika oo 8-maalmood hawlo shaqo ku joogay deegaanada dawlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa u ambabaxay magaalada Muqdisho.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment