5652 Views

Kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta Qaranka oo Muqdisho ka furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17 October 2015 – Munasabadaani  oo lagu daahfurayey qorista qorshaha  horumarinta Qaranka ee sanadaha 2017-2019-ka  oo ay wado Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay  Ra’iisulwasaare ku-xigeenka  dalka, Wasiirka Qorsheynta  iyo wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi, Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka  iyo agaasimyaasha guud ee Wasaradaha dowladda Soomaaliya,

Qorshaha horumarineed ee Qaranka  ayaa  lagu wadaa in uu  badalo barnamijka New Deal oo ku eg 30ka August ee sanadka 2016-ka,  waxaana  xafladda heeso ka turjumaysa   horumarka ku soo bandhigay qaar ka mid ah fanaaniinta kooxda Heegan.

Xuseen Ceelabe Faahiye oo ah qabiir dhinaca  samaynta qorshaynta Qaranka,  isla markaana  ka mid ah dadkii sameeyey qorshihii Qaranka ee sanadkii 1962dii ayaa sheegay in  helista  qorshe Qaran ee uu yeesho dalka ay tahay  talaabada ugu muhiimsan ee  dal lagu horumarin karo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaraadda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya  Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha Qaranku  uu yahay tan ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Cabdirahmaan Sheekh Yusuf Cali Caynte  aya  xusay in dhamaytirka qorshaha horumarinta  Qaranka   uu qaadan doono  bilaha ka dhiman sanadkaan, isla markaana  golaha wasiirada la horgayn doono bisha  June ee2016ka  si ay u meel mariyaan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo furay  samaynta qorshaha horumarinta Qaranka ayaa tilmaamay in u jeedada laga leeyahay  Qorshahaan  uu yahay  yareynta  saboolnimada  iyo  shaqlo la’anta  guud ahaan  shacabka Soomaaliyeed.

DSC07635

DSC07625 (1)

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment