6711 Views

R/wasaare Sharma’arke oo booqday mowlaca Sheekh Muxudiin Celi

R/wasaare Sharma’arke oo booqday mowlaca Sheekh Muxudiin Celi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17 October 2015 – R/wasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta booqday Masjidka iyo mowlaca Sheekh Muxiyadiin Celi.

R/wasaaraha waxaa booqashidiisa ku wehliyay Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneral  C/raxmaan Maxamed Tuuryare,  Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”  R/wasaarihi hore ee dalka,  mudane Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobalkaBanaadir.

Culumaa’udiin uu horkacayay Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celi ayaa R/wasaaraha iyo mas’uuliyiinta la socotay halkaasi ugu soo dhaweeyay si diirran oo hab maamuus leh.

R/wasaaraha dalka ayaa salaan la dhax maray culumadii iyo shacabka halkaasi ka ag dhawaa,  isagoo kormeer ku sameeyay qeybaha  Mowlaca iyo Masjidka Sheekh Muxidiin Celi degmada Kaaran ee gobalka Banaadir.

Malaaqa  beelaha Xamar iyo Xamardaye, Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye ayaa ugu mahad celiyay Ra’isul wasaaraha booqashada uu ku tagay mowlaca Sheekh Muxudiin iyo kulanka uu bulshadiisa la qaatay.

“Waan ku faraxsanahay soo booqashada qiimaha badan ee aad maanta nagu soo boqatay runti waqtigii hore masah laneen in mas’uuliyinta dalka ay shacabkooda dhaxgalaan laakin maanta nasiib wanag waad nasoo booqatay waana ku taagersan nahay mudane” ayuu yiri Malaaq Cali

Ra’isul wasaarihi hore ee Soomaliya mudane Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo hadlay ayaa kula dar daarmay Madaxda Qaranka in nidaam wanaagsan ay ku hogaamiyaan shacabka Soomaliyed si loo sii xoojiya horumarka maanta Jira.

“Maanta  Dalka iyo dadka Soomaliyed waxa ay ka soo kabsanayan  colaadihi dhowr iyo labaatan sano kabadan dalka ka dhacay, balse Mas’uuliyinta dalka waxaa looga baahan yahay in dadka ay ku hogaamioyan waddo wanaagsan sidaasi ayaa dhibaatada looga gudbi karaa” ayuu yiri Nuur Cadde.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Mudisho Mudane Muungaab ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in la xoojiyo xiriirka Culumaa’ udiinka Soomaliyed iyo Madaxda dalka.

“Waan soo dhaweyneynaa in ra’isul wasaaraha uu kulan la qaato culumada  mowlaca iyo Masjidka Sheekh Muxiyadiin Celi,  waxaa wanaagsan in la xoojiyo xirirka culumada iyo madaxda Qaranka maaddaama dadkeynu iyo dalkena uu yahay muslim”. Sidaasi waxaa yiri gudoomiye Muungaab.

Booqashada R/wasaaraha ee Mowlaca Sh

eekh Muxudiin iyo kulankii uu la qaatay culumaa’udiinka ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo leh is afgarad.

IMG_95971

IMG_95171IMG_95781

IMG_9669

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment