4353 Views

Wasiirka amniga oo Imaaraadka Carabta ka guddoomay doonyo dheereeya

Wasiirka amniga oo Imaaraadka Carabta ka guddoomay doonyo dheereeya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17 October 2015 – Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo uu wehliyo taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay doonyo dheereeya oo loogu talagalay in ciidanka badda ay ku howlgalaan.

Doonyahan oo ah kuwa dheereeya ayaa ah kuwa loogu talagalay in ciidanka badda ay ku howlgalaan oo ay xeebaha dalka ka difaacaan cidkasta oo ku soo xadgudubta, si loo xaqiijiyo amniga xeebaha.

Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in mar waliba ay garab taaganyihiin caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana doonyaha maanta ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu tayaynayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka deeqda doomaha ah ay soo gaarsiisay taliska ciidanka booliska Soomaaliya si wax badan looga qabto amiga dalka.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in deeqdan ay timid xili loo baahnaa, hayeeshee aysan kufilneen intaan ilaalinta xeebaha dalka, isagoo xusay in dowladda Imaaraadka ay ka rajeynayaan mid tan ka badan.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment