3738 Views

Wasiirka Maaliyadda XFS oo heshiis lagu bixinayo mushaarka Ciidamada Xooga la saxiixday dowladda Imaaraatka Carabta

Wasiirka Maaliyadda XFS oo heshiis lagu bixinayo mushaarka Ciidamada Xooga la saxiixday dowladda Imaaraatka Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17, Oct, 2015….Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Farketi ayaa maanta heshiis ay dowladda Imaaradku ay ku bixinayso mushaarka ciidamada kula saxiixday Safiika Soomaaliya u qaabilsan Dowladda Emiratka   Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasaaradda Gashaandhga oo dhankeeda u saxiixay Abaanduulaha Ciidamada Jen. Cali Baashe iyo shirkada Gor-Gor Solution oo loo xilsaaray bixinta mushaaradka ciidamadda.

Ugu horayntii Abaanduulaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa goobta ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ciidanka loo helo mushaar joogto ah oo la qaato xili go’an, taas oo wax weyn ka badali karta dhibaatooyinkii mushaaradka oo mar-mar badan soo daahi jiray, waxaana dadajinaynaa dib u habaynta ciidanka oo hada si wanaagsan u socota.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dowladda Isutaga Emiraadka Carabta ayaa dhankiisa sheegay in xariirka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid aad u xoogan, sidaas daraadeedna aan go’aansanay saarayno inaan dowladda ka caawino bixinta mushaaradka ciidamadda, taas oo qayb ka ah mashaaricda aan ugu tala galnay inaan kor ugu qaadno tasiilaadka dowladu u baahan tahay,

Wasiirka Maaliyada ayaa dhankiisa sheegay in dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka soo food saaray ay sabab u noqotay in ay daahaan mushaaraadka ciidamadda. Taas oo loo aanayn karo miisaaniyadda 2015-ka oo dib u dhac ku yimid qaybtii ay ku kabi jireen deeq bixiyayaaha caalamka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta la saxiixdo heshiis lagu bixinayo mushaaraadka ciidamadda Safiirka Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi  oo runtii markast u taagan sidii loo markasta garab taagaan dowladda Soomaaliya. Xaqiiqdii bixinta mushaaradka ciidanku wuxuu naga yaraynayaa culayskii xaga dhaqaalaha ee naga haystay dhanka musharaadka, waxaana dadaal u galaynaa inaan dhaqso u bixino dhamaan mushaaradkii ka daahay ciidamada” ayuu wasiir Fargeeti.

Ugu danabyntii Wasiirka ayaa sheegay inuu uga mahadclinayo ciidamada qalabka sida adkaysiga ay muujiyeen, hada ka dibna ay joogto u heli doonaan mushaarodkooda iyo dhamaan xuquuqaha ay leeyihiin.

20151017_113120_001

20151017_113720

20151017_113720

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment