3639 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

____________________________________________________________________________

Mogadishu, 17 October 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xulista xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo la dar-dargelinayo, Golaha Wasiirada oo anxisiyey Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada, Shirka Wadatashiga Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay, Xarunta laga hago diyaaradaha oo la dhagax-dhigay, isla markaasna xariga laga jaray Taawarka cusub ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Kulan wadatashi oo Isbedelka Cimilada ee waddamada IGAD oo Muqdisho lagu qabtay, Taliyaha Booliska oo booqday Puntland & GalMudug, Warbixinta Xiliyeysan ee Xaquuqda Aadanaha Soomaaliya oo la diyaariyey, Xirfada kalluumeysatada oo sare loo qaadayo, Ciidamada XDS ee ka howlgalaya GalMudug oo darees loo qeybiyey, Jaamicada Abraar oo laga furay Muqdisho, 30 Haween ah oo la baray xirfado shaqo, Tababarka Garsoorayaasha Zone 5 oo lagu qabtay Muqdisho iyo Mashruuca Tamarta (Solar Power) oo laga hirgeliyey 8 Isbitaal.

Xulista xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo la dar-dargelinayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah oo ay wehliyaan xubno katirsan golayaasha dowlada ayaa 15kii October 2015 gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkasoo uu booqasho ku tagey islamarkaana kulamo kula qaatay ma’uuliyiinta mamaulka Koonfur Galkbeed, Odayasha dhaqanka iyo saraakiisha ammaanka dowlada Soomaaliya. Ujeedada socdaalka madaxweynaha oo ku qotontay xog wareysi iyo ka talobixinta halka ay marreyso xulista baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa munaasbad lagu qabtay magaalada Baydhabo sharraxaad ka bixiyaya halka ay mareyso xulsita barlamaanka iyo habka loo marayo Suldaan Warsame Caliyow Ibrow oo katirsan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Shariif XasanSheekh Aadan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha qaranka sida uu ugu howlanyahay sal u dhigida qaranimada Soomaaliya iyo sida maamulku u doonayo in uu bulshada ku qanciyo soo xulista golaha wakiilada. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey maamulka Koofur Galbeed ee uu madaxweyne Shariif Xasan horkacayo isbedelka mudada kooban ay ka dhaliyeen deeganadaasi, waxa uuna ka hadlay sida dowladu u dooneyso in loo dhameystiro barlamaanka uu yeelanayo maamulka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladu aanay ka daali doonin toosinta wadada uu dalkani ku gaarayo doorasho iyo dimaqradiyad.

Golaha Wasiirada oo anxisiyey Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 15kii October 2015 yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa looga hadlay qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada. Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa golaha Wasiirada u soo bandhigtay, sharaxaad dheerna ka bixisay qorshaha Qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada. Wasiirada ayaa xustay in ujeedada qorshahani uu yahay in la illaaliyo, lana horumariyo caafimaadka qofka iyo kan bulshada. Sidoo kale, Marwo Xaawo ayaa sheegtay in Siyaasada Dawadu ay tahay in la sameeyo, lana horumariyo adeegga qeybta Daawooyinka, iyada oo la isticmaalayo awooda dhaqaale iyo mida shaqaale ee la heysto, si loo haqabtiro baahida dadweynaha ee ka hortagga, baarista iyo daweynta Cudurada. Ugu dambeyntiina, golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib cod gacantaag ah ku meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada.

Shirka Wadatashiga Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa 14kii October 2015 soo xiray shir looga hadlayay arrimaha dastuurka oo muddo Sadex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Dastuurka maamul goboleedyadda dalka ka jira. Shirka ayaa looga hadlay dar-dar galinta geeddi socodka dib u eegista dastuurka KMG ah iyo sidii maamul gobolyeedyadu ay kaalin ugu yeelan lahaayeen howlaha dib u habaynta dastuurka. Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen (Batni), Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in 10-qodob ay isku afgarteen ay muhiim u tahay dib u eegista dastuurka dalka. R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali oo shirka soo xiray ayaa tilmaamay in dastuurka dib u egistiisa lagu saleeyo in uu noqdo mid ka shaqeeya horumarka iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed.

Xarunta laga hago diyaaradaha oo la dhagax-dhigay, isla markaasna xariga laga jaray Taawarka cusub ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa 11kii October 2015 waxaa uu dhagax dhigay xarunta laga Hagi doono diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya taasoo aan shaqeynin muddo labaatan sano ka badan lagana maamulayay dalka Kenya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu xarigga ka jaray taawarka cusub ee Garoonka Aadan Cadde oo Dowladda Turkiga ay dhistay. Wasiirka Gaadiidka iyo saadaasha hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa waxaa uu sheegay in Arrintani ay qayb ka tahay horumarka uu dalkeennu ku talaabsanayo, waxaana uu balan qaaday in xaruntani la dhigi doono qalab casri ah oo loo adeegsan doono maamulka hawada Soomaaliya, mid kale oo la mid ahna Dowladda Soomaaliya ay ka hirgalin doonto Magaalada Hargeysa. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyay howsha horumarka leh ee ka socota Garoonka Aadan cadde waxaana uu xusay in guul weyn ay Soomaaliya u tahay in maamulka hawadeeda ay la soo wareegto, isagoo sheegay in xaruntan oo kale ay Dowladdu ka hirgalineyso Magaalada Hargeysa si markii loo baahdo loo adeegsado.

Kulan wadatashi oo Isbedelka Cimilada ee waddamada IGAD oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan wadatshi oo dalalka IGAD uga wada hadlayeen Isbedelka Cimilada ayaa lagu qabtay Muqdisho 14kii iyo 15kii October 2015. Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, waxaana soo qabanqaabiyey Wasiiru Dowlaha Arrimaha Deegaanka Mudane Burci Hamza. Waa markii ugu horreysey oo kulan noocan oo kale lagu qabto Muqdisho, taasoo ka tarjumeysa horumarka uu dalku ku tallaabsanayo sanad walba.

Taliyaha Booliska oo booqday Puntland & GalMudug

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo socdaal shaqo ku soo kala bixiyey deegaanada Puntland iyo GalMudug. Intii uu joogay Puntland 10kii ilaa iyo 15kii October 2015 ayaa waxuu kulan halkaasi kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Booliska Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Taliyaha ayaa waxa uu kormeeray xarumaha ciidanka booliska ee Puntland, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil ka tirsan booliska oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ay ku suganyihiin. Sidoo kale Taliyaha ayaa Cadaado kula kulmay mas’uuliyiinta GalMudug iyo taliyeyaasha ciidamada oo uu halkaas kala hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga deegaanada GalMudug. Ujeedada booqashada ayaa aheyd sidii loogu kuurgeli lahaa xaalada ciidanka booliska ee deegaanada dalka si qorshaha xasilinta dalka uu u noqdo mid miro dhal ah.

Warbixinta Xiliyeysan ee Xaquuqda Aadanaha Soomaaliya oo la diyaariyey

R/wasaare Ku Xigeenka dalka ayaa 13kii October 2015 furay kulan lagu soo bandhigayey Warbixinta Xiliyeysan ee Xaquuqda Aadanaha Soomaaliya oo ay Wasaarada Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka soo diyaarisay. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta xiliyeysan ee xaquuqda Aadanaha Soomaaliya taas oo Afartii sanaba mar loo gudbiyo Gudiga Xaquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey (QM). Waana warbixin ay diyaarinteeda ka wada qayb qaateen hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada, iyadoo wasaaradda haweenka iyo xaquuqda aadanahana ay hormuud u tahay. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay ilaalinta xaquuqda Aadanaha, isaga oo xusay in uusan jirin maanta dalka qof sabab la’aan xoriyadda looga qaadi karo. Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga ay door weyn ka qaadatay ilaalinta xaquuqda aadanaha, isla markaana ay wasaaradda haweenka gacan ku siisay diyaarinta warbixintan ka hadleysa xaquuqda aadanaha. Ku-xigeenka Ergayga Q.M. u qaabilsan Soomaaliya Raisedon Senenga ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya sida ay iskugu howshay wax ka qabashada falalka ka dhanka ah xaquuqda Aadanaha iyo diyaarinta warbixintan, wuxuuna balan qaaday in Q.M. ay ku gacan siin doonto. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sharaxday muhiimadda warbixintani u leedahay Soomaaliya iyo heerarkii ay soo martay muddadii diyaarinteedu socotay. R/wasaare Ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa waxuu ku ammaanay dhinacyadii ka qayb qaatay diyaarinta warbixintan oo ay ugu horeyso wasaaradda haweenka howsha wanaagsan ee ay qabteen isaga oo balan qaaday in dowladda ay ka shaqeyn doonto in warbixintaas oo diyaarsan ay u gudbiso Q.M.

Xirfada kalluumeysatada oo sare loo qaadayo

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa 14kii October 2015 soo gabogabeysey tababar 3 cisho u socday kalluumeysatada oo lagu barayey sidii ay qalab casri ah oo la yiraahdo FAD ugu isticmaali lahaayeen soo dabashada kalluunka. Barnaamijkan ayaa waxaa Wasaaradda Kalluumeysiga ka saaciday hay’adda Cuntadda iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO). Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa wasaradda kallumaysiga kaga mahadceliyey barnamijkaan lagu horumarinayo kalluunka Soomaaliyeed. Wasiiradda kalluumaysiga maamul goboleedyadda; Galmudud iyo Koofur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay munasabadda ayaa soo dhaweeyey dadaalka ay wasaaradda kallumaysiga ee ee dowladda Federaalka lagu horumarinayo kheyraadka badda Soomaaliya. Marwo Sahra Maxamed Cali wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquul Insaanka ayaa sheegtay in ay tahay lagama maarmaan in haweenka labaro xirfadda kalluumaysiga. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Cumar Caymooy ayaa kula dardaamay kallumaysatadda nasiibka u yeeshay tabarkaan in ay uga faa’iideyaan dadka iyo dalka.

Ciidamada XDS ee ka howlgalaya GalMudug oo darees loo qeybiyey

Abaan Duulaha qaybta 21-aad ee ciidanka XDS G/sare C/laahi Aadan Xuseen oo gaaray degmada Cabuudwaaq 14kii October 2015 ayaa booqday ciidamo ka tirsan qaybta 21-aad oo ku jira xero lagu aruurinayay, kuwaasi oo diyaarintooda ay iska kaashadeen Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan dawladda Galmudug iyo maamulka Degmada. Abaanduulaha oo ay ku wehliyeen kormeerkiisa mas’uuliyiinta maamulka degmada Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dawladda Galmudug ayaa kula hadlay ciidamada xarunta mashruuca halkaasi oo ah goobta loo asteeyay in lagu diyaariyo ciidamada XDS qaybta 21-aad. Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga ee dawlad goboleedka Galmudug Cali C/laahi Warsame (Galawac) oo waday diyaarinta Ciidamada la doonayo inay ku biiraan Kuwa Xoogga dalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadan oo tiradoodu tahay 150 askari ay u diyaarsanyihiin inay ka mid noqdaan qaybta 21-aad ee ciidanka XDS. Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose Mudane Jaamac Xasan Salaad ayaa sheegay in laga doonayyo in laga helo xaqa lagu leeyahay iyaguna ay helayaan oo la diyaariyay Xaquuqdoodii. Ugu Dambayn Abaanduulaha qaybta 21-aad G/sare C/laahi Aadan Xuseen ayaa ciidamada uga mahad celshay sugida amniga waxaana uu goobtaasi ku siiyay ciidamada Dareeskoodii.

Jaamicada Abraar oo laga furay Muqdisho

Furitaanka Jaamacadda Abraar ee 12kii October 2015 ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Ardey iyo mas’uuliyiin ka socotay bahda Waxbarashada. Madaxa Jaamacada oo ugu horeen ka hadaly munaasabada ayaa sheegay in Jaamacada Abraar ay soo kordhin doonto kuliyado cusub oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Beeraha iyo Kuluumeysiga. Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ku booriyay Jaamacadaan iyo Jaamacadaha kale ee ka jira dalka inay la yimaadaan hanaan waxbarasho tayo leh. Waxaa sii kordhayay horumarka dhinaca Waxbarashada Soomaaliya ee 4tii sano ee u dambeysay oo jaamacado badan ay ka hana qaadeen Dalka, taasi oo muujineysa sida uu usoo laabtay Ammaanka dalka.

30 Haween ah oo la baray xirfado shaqo

11kii October 2015 ayaa 30 Haween ah loo soo xiray tababar xirfadda tolista harqaanka. Xafladii xiritaanka ayaa lagu qabtay Degmada Xamarweyne ee Gobolka. Haweenkaan ayaa laga soo kala xulay degmooyinka Kaaraan, Warta Nabadda iyo degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, iyagoo waxbadan ka faa’iiday Xirfadii la baray. Ardayda loo soo gabagabeeyay tababarkan ayaa u mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxdii dagmooyinka soo qaban qaabiyay tababarkaan, waxeyna sheegeen in ay ka barteen xirfad aysan horay u aqoon Diyaarna ay u yihiin inay ku shaqeystaan Xirfadda la baray. Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa sheegay in codsi kaga yimid Maamulka Degmooyinka ay u soo qaban qaabiyeen tababarkan, waxa uuna ku dhiiri galiyay inay ku Shaqeystaan Xirfada la baray haweenka. Guddoomiye ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa Ardayda kula Dar-daarmay in ay Xirfadda ay Barteen Bulshada ugu Faa’iiideeyaan.

Tababarka Garsoorayaasha Zone 5 oo lagu qabtay Muqdisho

Tababarka garsoorka cayaaraha ee Soonka 5-aad (Zone V Referees Clinic) ayaa 11kii October 2015 lagu soo gabogabeeyey magaalada Muqdisho kaas oo socday muddo 5 cisho ah. Tababarka ayaa loo qabtay garsoorayaasha cayaaraha ee Soomaaliya iyo Masar. Ku-simaha Xoghayaha X.S.K.K. Cabdi Cabdulle Baasaale ayaa sheegay in mudada shanta maalin uu aqoon kororsiga socday garsoorka la baray sharciyada cusub iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa, isla markaana loo qabtay ciyaaro lagu tijaabiyo. Waxaana laga qaaday imtixaanno isugu jira aqoonta sharciyada, Luqadda iyo orodka, oo dhammaan guulo ku dhamaaday. Guddoomiyaha XSKK Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa sheegay in Ujeedkan aqoon kororsiga xiriirka juhdiga ugu bixiyay ay tahay sidi ay Soomaaliya u yeelan lahayd garsoorayaal heer Caalami ah. Axmed Al Falaki oo ahaa macallin ka socda Fifa ayaa yiri ” Aqoon kororsiga waxuu ahaa mid guulaystay, waxaana doonayaa in aan u mahad celiyo intii ka shaqaysay in aan halkan imaado tababarkana aan bixiyo”. AL falaki ayaa hadiyad ka socotay xiriirka kubadda Kolayga Masar guddoonsiiyay Guddoomiye Cadaani, isagoo dhankiisa hadiyad ka guddoomay xiriirka kubadda kolayga Soomaaliya. Guddoomiyaha GOS, Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuu tilmaamay in la kordhiyo aqoonta garsoorka ay muhiim tahay. Waa Markii ugu horreysay oo tabarkan lagu qabto dalka Soomaaliya kaddib 1990-kii, waana guul usoo hoyatay Isboortiga Soomaaliya, gaar ahaan kubadda Kolayga oo horumar ku tallaabsatay.

Degmada Cadlae oo nalalka cadceeda laga hirgeliyey

Maamulka Degmada Cadale iyo kan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ku guuleystay in qeybo ka mid ah degmadaasi dhawaan laga hirgeliyay Nalalka Cadceeda ku shaqeeya. Xaflad lagu xusayey horumarkan ayaa 10kii October 2015 lagu qabtay Cadale, iyadoo Xaflada ka hor Dhalinyada degmadu ay wada ciyaareen kulan saaxiibtinimo oo loogu magacdaray Cayaaraha Nabada. Gudoomiyaha Degmada Cadale Muxudiin Suudi Macalim ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay hirgelinta mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo degmada. Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka ee Gobolka Sh/Dhexe Gaashaanle Dhexe Cabqaadir Nuur Qoondhe ayaa ku bogaadiyay Maamulka degmada sida uu uga shaqeynayo Horumarinta iyo Bilic soo celinta Degmada. Bulshada ku dhaqan Degmada ayaa iyana si weyn usoo dhaweeyay Horumarka ey degmada ku tilaabsatay.

Mashruuca Tamarta (Solar Power) oo laga hirgeliyey 8 Isbitaal

Wasaarada Caafimaadka iyo Dowladda Norway ayaa si wadajir u hirgaliyey mashruuca Tamarta (Solar Power) oo ku shaqeeya Ileyska Cadceeda. Mashruucan ayaa waxaa laga hirgaliyey 8 isbitaal oo ku yaala bartamahaa iyo koofurta Soomaaliya. Xafladda lagu daahfurayey mashruucan ayaa 10kii October waxay ka dhacday Isbitaalka Madiina, waxaana ka soo qeybgalay Wasaaradda Caafimadka oo hogaaminayey Agaasimaha Guud Dr Cabdiqani Sheekh Cumar iyo Ku-xigeenka Safiirka Norway ee Soomaaliya Vebjorn Heines. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa mashruucan ku tilmaamay in uu wax badan ka tari doono xarumaha caafimaadka ee laga hirgeliyay, isla markaana Wasaaraddu ay joogteyn doonto sidii xarumaha caafimaadka ee dalka looga hirgelin lahaa.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so
Tel. +252 61 2777736 Email: moabharr@gmail.com – Muqdisho -Somalia

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment