5214 Views

Hey’adda UNHCR oo ka warbixisay xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada Kenya iyo Yemen

Hey’adda UNHCR oo ka warbixisay xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada Kenya iyo Yemen
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 18 October 2015 – Hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay qiyaastii 5,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugnaa xeryaha dhadhaab ee waddanka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay waddanka tan iyo bishii December sannadkii horre ee 2014.

Hey’addu waxaa kaloo sheegtay in 4,500 ay is diiwaangaliyeen iyagoona raba in ay dib ugu soo laabtaan waddanka.

UNHCR ayaa ku caaawisay dadka soo laabanaya sahay iyo gargaar kale waxaana badi ay soo gaareen magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq.

Afhayeen u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Adrian Edwards ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada Geneva qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha dhadhaab in ay u baahan yihiin taakuleen maadama ay dib ugu soo laabanayaan waddanka.

Sidoo kale UNHCR ayaa sheegtay in ka badan 26,000 oo qaxooti Soomaali ah ay ka soo carareen colaadaha waddanka Yemen, waxaana ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment