3663 Views

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

____________________________________________________________________________

 

astaanta-qaranka

Muqdisho, 18 October 2015 – Shir looga hadlayay Sugidda Amniga  oo ay ka qayb galeen Ma’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Shirka oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho  ayaa looga wada hadlay sida ugu fudud ee Hay’adaha Dowladda iyo Shacabka ay u wada shaqayn karaan  amniga iyo sida looga hortagi karo falalka Argagixisada Shabaab ay shacabka la maaganyihiin.

Madaxa haya’adda wacyigalinta bulshada ee C.C.A  Maxamed Cajiib ayaa balan qaaday in Wasaaradda amniga iyo guud ahaan hay’adaha Ammaanka ay kal shaqayn doonaan Amniga.

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis Cismaan Muxudiin Cali Cariif ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay Wasaaradda Amniga kala shaqaynayaan ka hortagga Falalka Amni darro ee kooxda Argagixisada ah ay la maaganyihiin Shacabka iyo Dowladda.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shirka soo xiray ayaa Sheegay in y falalka kooxda Argagixisada Shabaab ay ku kacaan inay raad ku leheen diinta Islaamka.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment