10449 Views

19 August 2011 waa maalin taariikhi ah, Booqashadii 1aad ee Erdogan

19 August 2011 waa maalin taariikhi ah, Booqashadii 1aad ee Erdogan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 19, 2015 – Maanta oo kale waa sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay booqashadii 1aad ee Somalia uu ku yimid Reccep Tayyip Erdogan, taas oo lagu tilmaami karo mid horseeday is-bedel Muuqda iyo Horumar la taaban karo oo ay Somalia lugaha la gashay, waxay noqotay maalin ku weyn Taariikhda Somalia,

Waa hubaal in qof walba ka dheragsan yahay halkii aanu joognay booqashadaas ka hor, waxaa taagnaa dagaalo qaraar iyo abaaro labaatan jirsaday, kuwaasoo sababay gaajo iyo cudurro naafeeyay dadka Soomaaliyeed. Waxaana dalka ku dhuftay abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo 60-sano ka badan, taasoo sababtay inay naftooda ku waayaan kumanaan dad ah, tahriibka dhallinyarada kusii hoobanayay badda ayaa isna ahaa mid gaaray heerkii ugu sarreeyay, nabad-galyada, caafimaadka, wax-barashada iyo dhammaan adeegyada asaasiga ah ee dalka ayaa ahaa kuwo laga quustay, xaalad deg-deg ah ayuu dalku galay, waxaana isa soo taray dalab si is-daba-joog ah uga soo yeerayay xukuumaddii xiligaas jirtay ee KMG-ka ahayd, taas oo beesha caalamka ka codsatay kaalmo bini’aadannimo oo deg-deg ah, laakiinse waxaa nasiib-darro wayn ahayd in hay’adihii gargaarka iyo dalalka deeqaha-bixiya ay dhegaha ka fureysteen qaylo-dhaantii dowladdii Soomaaliya,
 
19/08/14 ayaa waxay noqotay maalin qaali ku ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waa markii ugu horeysay mudo ka badan labaatan sano oo uu Soomaaliya booqasho ku yimaado mus’uul ka socda wadan ka baxsan qaarada Afrika ayna la socdaan wefdi sıdaas u balaaran, waxay ahayd maalintii uu dalkeena booqashada taariikhiga aheyd ku yimid Raisulwasaare Recep Dayib Erdogan kaas oo hogaamınayay wefdi aad u balaaran oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tıisan golahiisa wasiirada, xildhibaano, xaaskiisa ıyo weliba qaar ka mid ah caruurtiisa, Madaxweyne Erdogan oo markaa ahaa Raisulwasaaraha dalka Turkiga ayaa markıı uu soo degay  toos u abaaray xerooyinkıı qaxootiga halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Soomaalıyeed oo ay wajıyadooda ka muuqatay dhibaato iyo murugo, warbaahinta caalamka ayaa soo saaray muuqaalka RW Erdogan ıyo xaaskıısa oo dhabta ku haya caruur Soomaaliyeed oo la il daran nafaqo daro, hadaladii uu maalıntaa jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa ‘’Waxaa la yiraa Muqdisho lama tegi karo, waa nimid si aan taa u beenino, kuwo kalena wey imaan doodnaan’’  booqashadaasi waxay albaabka u furtay madaxda caalamka kuwaas oo markaaa ka dib bilaabay ın ay ku soo qulqulaan Soomaaliya.
Walaalaha Turkiga ayaa isla markiiba bilaabay gar-gaar bini’aadamnimo kii ugu badnaa ee soo gaara Somalia, waxaa si hagar la’aan ah loo taakuleeyay dadkii tabaaleysnaa ee ay ka soo barakiciyeen deegaannadooda abaarihii dalka ku dhuftay iyo weliba colaaddii socotay, Turkigu waxay dalka u soo direen dhaqaatiir iyo khuuburo caafimaad si ay u badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo taasi ay xoojisay xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Turkiga.
Dhanka kale, waxaa la furay safaaraddii turkigu uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo noqotay safaaraddii ugu horreysay ee laga furuy meel ka baxsan garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa furmay wejı cusub oo aad u xoojiyay xiriirka Turkiga ıyo Soomaaliya, waxaa is badelay muuqaalka dadka iyo guud ahaan dalka, waxaa kor u kacay hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed taas oo noqotay isbedel muuqda oo la taaban karo.

Taageerada hagarla’aaneed ee walaalaha Turkiga ayaa keentay in Shacabka Soomaaliyeed ugu yeeraan Turkiga walaalo iyo saaxiibo laysku halayn karo,

Albaabka laga soo galo caasimada Soomaaliyeed ee ah gegida diyaaradah Muqdisho markii aad soo gaarto ayaad arkaysaa muuqaal madaar caalami ah oo soo jiidanaya indhahaaga, kuma eka ee wadooyinka isku xirayay magaalada iyo gegida diyaaradaha oo ahaa muuqaal naxdin leh ayaa helay dib u dhis, nadiifin iyo iftiin, waxaa dowlada Turkiga ee aanu walalaha nahay horseed ka noqotay horumarinta hanaanka caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska guud, siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Waqtı dheer ayay qaadanaysaa in hal qormo lagu soo ban dhigo isbedelkii iyo horumarkıı la gaaray  booqashadaas taariikhiga aheyd kadib, waxyaabaha aan la hilaami doonin waxaa ka mid ah kudhawaad laba kun arday Soomaaliyeed ah oo deeq wax barasho ka helay dalka Turkiga, dhismaha cibitaalada, iskuulada, wadooyinki iyo naleynta, biyaha, tayaynta ciidamada, taagerada dhaqaale iyo dhiirigelinta maalgashiga.

ordegan-visit-aug-19-2011-1ordegan-visit-aug-19-2011-2 ordegan-visit-aug-19-2011-3 ordegan-visit-aug-19-2011-4 ordegan-visit-aug-19-2011-5 ordegan-visit-aug-19-2011-6 ordegan-visit-aug-19-2011-7 ordegan-visit-aug-19-2011-8 ordegan-visit-aug-19-2011-9 ordegan-visit-aug-19-2011-10

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment