3714 Views

Afrika oo samaysanaysa ciidamo heegan ah

Afrika oo samaysanaysa ciidamo heegan ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 October 2015 – Qorshahan ciidamada gaar ka ah loogu samaynayo Afrika ayaa loo la jeedaa in ay afrika dib u soo laabato Awooddeedii Xoogganayd ,waxaana Ciidamadan loo bixinayaa xoogagga heeganka ee Afrika.

Wada hadallo socday tan iyo sanadkii 2003dii ayaa waxa ay ku saabsanaayeen sidii Afrika ay u yeelan lahayd ciidmo heegan ah oo si degdeg ah uga hortaga xilliyada ay rabshadaha dhacayaan iyo meelaha ay ka dhacayaan.

Xilliga la doonayo inay ciidamadaan si toos ah ay shaqadooda u billaabato ayaa ah dhammaadka bisha December ee sannadkaan sida qorshuhu yahay, iyagoo ka koobnaan doona 25 kun oo Askari, ciidankaas oo Astan u ahaan doona amniga Qaradda iyo Nabadda.

Ciidanka ayaa loo qaybin doonaa shan guuto oo mid kasta uu ka imaandoono Shanta qayb ee qaaradda Afrika sida Galbeedka, Waqooyiga, Bartamaha, bariga iyo waqooyiga fog ee Afrika.

Iskaashiga Afrika Dhaxmaraya ayaa horseedi doona Nabad iyo xasillooni Waarta oo laga gaaro Coladaha ka holcaya waddamada Afrika ka mid ka ah.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment