4446 Views

Cilmi baaris ku saabsan tacadiyadaha haweenka loo geysto oo la soo bandhigay

____________________________________________________________________________

vlcsnap-2015-10-18-17h28m07s115

Muqdisho, 19 October 2015 – Cilmibaaris ku saabsan tacadiyadaha loo geysto Haweenka Soomaaliyeed oo ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adda IIDA iyo Hay’ad kale oo ka shaqeysa horumarinta Cadaaladda oo magaceeda loosoo gaabiyo IDLO ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdalla Xuseen Cali, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Mudane Cabdullahi Sheekh Cali qaloocow, Xildhibaanno katirsan Baarlamanka Federaalka ah ee Somaaliya oo u badnaa kuwa haweenka ah, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir, xubno ka kala socday Ururada Haweenka iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Duniyo Maxamed Cali oo ka mid ah Madaxda Hay’adda IIDA ayaa tilmaamtay in cilmi baaristan laga sameeyay qaar ka mid ah Gobollada dalka, isla markaana lagu ogaaday Xadgudubyada loo geysto haweenka gaaar aahana kufsiga iyo tacadiyo kale oo haweenka lagula kaco xilliyada qaar.

Guddoomiyaha Guddiga beeraha Baarlamanka Somaaliya Xildhibaan Siciid Maxamed Cali oo u hadlay Xildhibaanadii kulanka ka qeybgalay ayaa bogaadiyay cilmi baarista la soo saaray ee ku saabsan Tacadiyadaha ay la kulmaan Haweenka, isagoo ku baaqay in tallaabo laga qaado kuwa caadeystay dhibaateynta Haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xuseen Cali iyo Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa waxa ay u mahadceliyeen Hay’adaha iska kaashaday cilmi baaristan iyagoo sheegay in shacabka iyo Dowladda looga baahanyahay inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa tacadiyadaha loo geysto haweenka oo kufsiga uu ugu horeeyo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ka hadlay Gabagabadii kulanka lagsuoo bandhigayay cilmi baarista ku saabbsan tacadiyadaha ay la kulmaan Haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay adag tahay in cadeymo buuxa loo helo kiisaska kufisga ah, marka la horgeeyo Maxkamadaha, taasina ay keeneyso in kuwa ku kaca kufsiga aysan muteysan ciqaabtii ay lahaayeen, waxaana uu bogaadiyay sida cilmi baarista loo soo sameeyay.

vlcsnap-2015-10-18-17h28m50s34

vlcsnap-2015-10-18-17h26m08s194

vlcsnap-2015-10-18-17h31m12s171

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment