3762 Views

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad lagu soo bandhigayay dariseenta

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad lagu soo bandhigayay dariseenta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 October 2015 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Guddoomiyaha gobolka banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay muunaasabadani lagu soo bandhigayay barnaamijka diriseenta,oo laga hirgaliyay 9 degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, iyadoo xafladda lagu qabtay xarunta Degmada Howlwadaag.

Agaasimaha barnaamijka diriseenta Cabdixakiim Maxamed Haadi ayaa sheegay in faa’ideeyin badan laga dhaxlay mashruuca dirisenta, oo ah in la isku xiro bulshada kunool degmada oo ay noqdaan kuwa wada shaqeeya  oo isku gar gaara.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir Ciise Maxamuud Guure oo munaasabada ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in maamulka iyo bulshada kunool Degmada ay yihiin kuwa si wanaagsan u wada shaqeeya, isla markana ay sababtay in barnaamijka diriseenta laga hirgaliyo Degmada.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xusen “Mungaab” ayaa tilmaamay in ujeedka laga leeyahay ay tahay sidii bulshada iyo maamulka degmada ay iska warqabi lahaayeen oo ay noqdaan kuwa isku xiran oo og, cidkasta oo habeenkaas degmada ku soo biirta.

Sidoo kale Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay  in lagu guuleystay in la isku xiro maamulka degmada bulshada iyo hey’adaha ammaanka kadib marki la hirgeliyay barnaamijka diriseenta.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay  in dadka Soomaaliyed ay ka foojig naadan dhagarta Kooxda Nabad-diidka ah ee UGUS, isla markana ay la shaqeeyan Hey’adaha ammaanka Qaranka, si looga hortago cidkasta oo amni darro abuureysa.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Howl wadeenadiisa sida ay u dardar geliyeen hirgelinta barnaamijka darisenta, isagoo shacabka ugu baaqay inay bixiyaan canshuurta, si loogu adeego bulshada.

IMG_2027

IMG_1900

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment