3873 Views

Madaxweynaha oo sheegay in waqtigu yaryahay loona baahanyahay in aan lagu dhumin is qab qabsi

Madaxweynaha oo sheegay in waqtigu yaryahay loona baahanyahay in aan lagu dhumin is qab qabsi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 October 2015 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka madasha wadatashiga Doorashooyinka 2016-ka ee ka furmay maanta magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo ah kuwa aan indhaha laga qarsan karin oo xaaladda dalka ah.

Madaxweynaha oo khudbadiisa ay eheyd mid aad u dheer si qoto dheer kaga hadlay Xaaladda siyaasadda,horumarada Dowladda ay ku tilaabsaday sida arrimaha Federaalka,Dastuura,xoreynta dalka,xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo arrimo kale oo aad u muhiim ugu ah dalka iyo dadka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa xusay in sedexdii sano ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dhisida maamul goboleedyo oo uu sheegay in madashani qeyb ka yihiin islamarkaana ay matalaan Umadda Soomaaliyeed,kuwa dhimana dhawaan ay rajeynayaan in ay ku guuleystaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii hadlay ayaa sheegay in howlaha hiigsiga 2016-ka ay barbar socotay arrimo badan oo ay ka mid tahay dib u hesiishiin iyo ka shaqeynta amniga iyo sidii adeegyada muhiimka ah loo gaarsiin lahaa bulshada.

Sidoo kale Madaxweynaha   waxa uu xusay in horumar laga gaaray  dib u eegista Dastuurka Federaalka ah oo howshiisa ay socoto, iyadana howshiisa si lixaad leh ayeey u socoto, goor dhawna golaha shacabka iyo dadweynaha billaabi doonaan doodo dib loogu eegayo qeybaha kala duwan ee Dastuurka, isagoo tilmaamay in ay wada dhisan yihiin hay’adihii inoo wada fulin lahaa howlaha dib u eegista Dastuurka, ee uu tilmaamayay Dastuurkeenii KMG ee maanta jira, waxa noo dhiman waxay tahay inaan boorkana ka qaadno dibna u xaab xaabinno si aan u helno Dastuur dib loo eegay, dadka Soomaaliyeedna danahooda u taagan oo u adeegaya, dhawaan waxaan rajeyneynaa arrintaan in meel fiican oo gunaanad ah soo gaari doonto.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in xilligaan aan  la haysan waqti badan, loona baahan yahay in laga faa’ideysto waqti dhiman, laguna dhumin is qabqabsi ama fara isku tag.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment