4050 Views

Shirka wada tashiga doorashooyinka 2016 oo maanta ka furmaya Muqdisho

____________________________________________________________________________

IB0A9558-280x175

Muqdisho, 19 October 2015 – Shirka wada tashiga qaran ee habka doorashooyinka sanadka 2016, ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, waxana ka soo qeyb galaya Madaxda dowladda, Madaxda maamul goboleedyada, Xukuumadda, Baarlamaanka Federaalka, Ururada bulshada.Beesha Caalamka.

Ujeedkiisa shirkaan ayaa ah sidii looga tashan lahaa marxalada kala guurka ee dalku galayo iyo is bedelka dhici doona sanadka 2016, isla markaana laga tashato nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Madaxda Maamul goboleedyada iyo wafuud kala duwan ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo qayb gelayaan shirka wada tashiga, iyadoo ammaanka uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay, waxaana ujeedka yahay inay ka soo baxaan talooyin la xiriira u aadan marxalada uu dalku geli doono sanadka 2016.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ujeedka shirkan uu yahay sidii looga tashan lahaa hiigsiga sanadka 2016, isla markaana marxalad hada jirta qaab ka wanaagsan marxaladihii hore looga gudbo.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in umada Soomaaliyeed ay ka tashan doonto qaabka doorasho ee dalka ka dhici karta, maadaama dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod, waxaana uu xusay wada tashiyadan ay noqdaan kuwo mira dhal ah.

Arrimaha muhiimka ah ee shirka maanta looga hadlayo ka mid ah sidii loo dhisi lahaa guddiga sii wadi lahaa howsha wada tashiga, taasoo socon doonta ilaa bisha December, waxaana talooyinka ugu badan ee shirka lagu soo bandhigi doono ay tahay sidii loo heli lahaa nooc doorasho oo dalka ka dhacda sanadka 2016.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment