6318 Views

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dawlada Puntland oo lagu soo dhoweeyay Oslo – Norway

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dawlada Puntland oo lagu soo dhoweeyay Oslo – Norway
____________________________________________________________________________

Oslo | October 18, 2015 – Waxaa magaalada Oslo ee dalka Norwey ka dhacday xaflad lagu soo dhoweynayey wasiirka ganacsiga iyo warshada dawlada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ” Indho Guran”.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qaybgalay, siyaasiyiin ka kala yimid gobollada Norway iyo haween, dhallinyaro iyo xildhibaano ka yimid wadamada Sweden iyo Denmark.

Dadka munaasabaddaas isugu yimid oo ay ka muuqatay farxad iyo qiiro, waxaa ka mid ahaa fannaaniin ay ka mid ahayd Nasteexo Indhoos.

Munaasabadda waxaa khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka soo jeediyey Guddoomiyaha jaaliyadda Puntland Norwey Ing. Maxamuud Xuseen Aadan Buraale. Wuxuu ugu horreyntii u mahadceliyey dadkii soo qabanqaabiyey iyo marti sharaftii ka soo qayb-gashay. Guddoomiyuhu wuxuu wasiirka ku yiri, ‘ku soo dhowow caasimadda Norway ee Oslo’, keddibna wuxuu uga warbixiyay soomaalida ku nool dalka Norway.

 Sidoo kale waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka soo jeediyey Korneel Cabdullaahi cali Xirsi iyo Guddoomiyaha jaaliyada Jubbaland ee dalka Norway Cabdi Ibraahim Magan.

Xafladaas markii ay dhammaatay keddib, waxaa la qabtay kulan dood ah oo uu ka qaybgalay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland. Doodda waxaa looga hadlayey sidii ay qurbajoogta Puntland u maalgashan lahaayeen Puntland. Runtii waxay ahayd dood aad u xiiso badan oo afkaar iyo talooyin kala duwan lugu lafa guray.

Dooddaan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Puntland Norway PDF-Norway, waxay ahayd tii ugu horreysay ee loo qabto wasiir Puntland ka socda oo qaaradda Yurub yimaada.

Xafladdahaas waxay ku soo gabagabowday jawi farxad leh.

Daawo sawirrada. Videoga Xaflada iyo Dooddii ka dambeysey mar dhaw naga sug haddii Alle idmo.

wasiirka-warshadaha-pland-7 wasiirka-warshadaha-pland-8 wasiirka-warshadaha-pland-6 wasiirka-warshadaha-pland-5 wasiirka-warshadaha-pland-4 wasiirka-warshadaha-pland-3 wasiirka-warshadaha-pland-2 wasiirka-warshadaha-pland-1

.

Farah Yassin Osman

Oslo – Norway

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment