3762 Views

Madaxweynaha Jubaland “Aan ka tagno Beesha Caalamka, anaga oo Soomaali kaligeen ah aan talo gaarno”

Madaxweynaha Jubaland “Aan ka tagno Beesha Caalamka, anaga oo Soomaali kaligeen ah aan talo gaarno”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 October 2015 – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa muujiyay in loo baahan yahay in Beesha Caalamka lala xisaabtamo, isla markaana shaqada la qabanayo ay noqoto mid Soomaali gaar u ah, kaligeedna ay qabsato, Caalamkana uu kor ka eego, isla markaana wax kasta oo la qabanaayo soomaalida gacanta loo geliyo.“Waxaa loo baahan yahay in cid walba lala xisaabtamo, Beesha Caalamka lala xisaabtamo, War Caalamow waa na daba taagan yihiin anaga wax ha ina tusaan, anaga wax qabsaneyno, gacanta ha inoo geliyaan, amaano waa leenahay, waxaa laga yaabaa shaqada aan qabsaneyno in nala yiraahdo Beesha Caalamka maxay ka qabaan bal Nicholas Kay hala soo weydiiyo, iyaga sidaa yeelanaya, waa inaan mar dhow ka tagnaa Caalamka, wax kasta inaga oo Soomaali isku raacno, anaga wada tashigeeda aan gaarno, waxaa hubaal ah inay cid walba ku qasban tahay inay anaga na raacdo”ayuu yiri Axmad Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ka hadlay doorashada sanadka 2016, wuxuuna ku taliyay in Madaxda Maamul goboleedyada iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka inay danahooda gaarka ah ka hormariyaan danta Qaranka Soomaaliyeed.

Shirka Wada tashiga doorashooyinka sanadka 2016 ayaa maanta la soo gaba gabeeynayaa, waxaana loo maleeynayaa in wada tashi loo aado gobolada, isla markaana laga doodo qaabka ugu wanaagsan ee doorasho ugu dhici karto Soomaaliya sanadka 2016, in kastoo taasi ay dhib badan keeni-doonto.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment