5724 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doortay Baarlamaanka Canada

Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doortay Baarlamaanka Canada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20 October 2015 – Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Xuseen ayaa loo doortay Baarlamanka dalka Canada kaas oo muddo u tartamayay in uu xilkaas qabto.

Ninka la doortay ayaa ka soo jeeda Xisbiga Mucaaradka ee Liberal isagoo laga soo doortay xafadda York South Wenton Magaalada Toronto ee dalka Canada, Axmed Xuseen waxa uu Noqonayaa muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed.

Axmed Xuseen ayaa doorashada uga adkaaday musharrixii laga soo dooran jiray Xafadda laga soo doortay oo lagu magacaabo Mike Sullivan oo ka tirsan xisbiga NDP.

Dhanka kale waxaa doorashadas ka haray musharrixiin la tartamayay Axmed Xuseen kuwaas oo aha labo musharrax doonayayna inay xilkaan qabtaan kuwaas oo iyagana aha Soomaali.

ahmed-husen-liberal-mp-1Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa si aad ah u soo dhaweeyay doorashadaan iyo sida ay u dhacday iyagoo waqti wacan iyo shaqo wanaagsan u rajeeyay Axmed Xuseen oo noqday xubin ka mid ah Baarlamaanka dalkaas, iyadoo ay tahay markii ugu horraysay oo Baarlamanka Canada Dad Soomaaliyeed ay cod ku yeeshaan.

Xisbiga laga guuleystay ee Conservative-ka ayaa ah xisbi kasoo horjeeda qoxootiga ku nool dalka Canada, kaasoo soo saaray harci dhigaya in dhalashada laga qaado ciddii lagu helaa falal Argagixisanimo.
Dhanka kale, xisbiga Conservative-ka ayaa kasoo horjeeday Xijaabka ay haweenka muslimiinta ah xirtaan, madaxda xisbiga ayaana arrintaas ku sheegay jaahilnimo muddo jirtay, markii ay maqleen Xisbiyada kale ee Arrintaan ka soo horjeeda go,aannada xisbiga Conservative-ka ay qaateen inay doorashda ka qayb qaataan si loo badalo fikirkas diidaya in Niqaabka ay waheenku xirtaan.

Doorashooyinka baarlamaanka Canada ayaa waxaa 185-kursi oo kuraasta baarlmaaanka dalkaas ka mid ah ku guuleystay xisbiga Liberal-ka oo uu ka tirsan yahay, Axmed Xuseen oo ah Muwaadin Soomaaliyeed, iyadoo xisbigaan uu sannadka soo socda hoggaamin doono Canada.

Axmed Xuseen ayaa ku dhashay kuna barbaaray Soomaaliya, isagoo dalka Canada galay sannadkii 1993-kii, waxbarashadiisa Jaamacadeed waxa uu ku dhameystay Jaamacadda Ottawa, isagoo ah qareen bulshada si aad ah uga dhex-muuqday waxa uuna madax kasoo noqday ururka bulshada Soomaalida Canada ee Somali Community Organization.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment