6006 Views

Roob, D F oo jidadkeeda xirtay iyo Muqdisho oo go’doonsan.

Roob, D F oo jidadkeeda xirtay iyo Muqdisho oo go’doonsan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,20 October 2015 –Roob xalay ila saaka ka da’yay magaalada Muqdisho, ayaa sababay in dad badan ay shaqa tegi waayeen gaadiid la’an darteed. Wadooyinka oo roobku burburiyay iyo DF oo xiratay cidadki halbowlaha ahaa sidi Maka-almukarama iyo Sayika.

Suuqa Xamarweyne iyo meelo badan ee magaalada Muqdisho ka mid ah, ayan saaka go’doonsanaa. Baabuurta qaddo dadweynaha meel la marsiiyo ayaa la waayay, ka dib marki loo diiday jidadka Madaxtooyo ku dhaw.

Dad faradan ayaa u lugeeyay meelaha ay shaqooyinka ku lahaayeen, in kastoo arda badan ay ka baaqdeen goobahooda Waxbarashada iyadoo haddii ay furnaan laheyd waddada Sayidka ay suurta gal ahaan laheyd in ay tagaan halki ay wax baran jireen

Ma ah marki ugu horreysay oo Dowladu jidadka xirato taas oo caado u noqotay sanadahaan dambe. Dadka qaar ayaa sheegay in jidadka loo xiray Shirka wada Tashiga ee ka socda Muqdisho. Waxaa isweydiin rabto Shirka wuxuu ka socda Xalane ee maxaa loo xiray jidadka shacabiga ku adeegan laha?

Roobka waa wax loo baahanyahay,in kastoo guryo badan ay biyaha gudaha u galeen dadkina go’doon xafadaha ku noqdeen ayada oo jidadki muhimka ahaa ay Dowladu xiratay.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment