6144 Views

Dabley hubeysan oo ku dishay Cabudwaaq Mu’adinka Masjid Jaamac

Dabley hubeysan oo ku dishay Cabudwaaq Mu’adinka Masjid Jaamac
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 October 2015 – Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay afaafka hore ee Masjidka Jaamaca Imaam Shaafici ee magaalada Cabduwaaq Mu’adinka masjidka  Allaha u Naxariistee Marxuum Macalin Farxaan Maxamed Salaad. Lama oga cidda ka dambeysay dilka Mua’adinka iyadoo maamulka degmada Cabudwaaq ay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan dadkii ka dambeeyay dilka ayna sharciga horkeeni doonaan.

Sheikh Cabdirisaq Warsame Fiqi oo ka mid ah gudiga masaajidka ayaa maanta salaadii duhhur waxaa uga  tacsiyeeyay muslimiinta geerida ku ku timid marxuunka shir jaraa’id oo maanta lagu qabtay Masjid Jaamaca Imaamu Shaafici ee Magaalada Caabudwaaq.

Waa markii ugu horeysay ee lagu dilo mua’din masjid magaalada Cabudwaaq ee gobolka Gedo. Waxana arrinkan aad uga xumaaday guud ahaan shacabka ku nool magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Cabudwaaq waa ka ladnaan jirtay dad culumo ah ee masjid lagu dhax dilo.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment