5094 Views

“Meel aad u fiican ayeey marayaan howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”

“Meel aad u fiican ayeey marayaan howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 October 2015 –Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay ineey meel wanaagsan  marayaan howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in la dhisi doono inta aanu dhamaan sanadkan.

Maareeye ayaa sheegay in markii hore qorshuhu aha in bisha November la soo xulo ergooyinka iyo Baarlamaanka, si doorashada Madaxweynaha loo qabto, hase ahaatee ay dib u dhigeen muranno iyo waxyaabo kale oo jiray.

“Meel aad u fiican ayuu marayaa howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe markii hore waxaa loogu tala galay bisha November in ergooyinka la xulo iyo baarlamaanka la xulo, si doorashada madaxweynaha loo galo, laakiin marka wax la dhisayo dad badan talada laga qeyb geliyo la rabo murano badan iyo waxyaabo kale iska soo baxaya”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Mudane Maareeye ayaa sheegay in ka hor bisha December ay suuroobi doonto in Madaxweyne iyo Baarlamaan la doorto, waxaana uu rajo ka muujiyay sida ay iminka u socoto howsha.

Sidoo kale  Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhaqan gelinta qodobadii ka soo baxay shirka wada tashiga, waxaana uu xusay in la go’aansaday Guddiga howl fulinta iyo guddiga farsamada ay dhowaan u baxaan Gobolada, si ay kulamo wada tashi ula yeeshaan bulshada rayidka.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment