5598 Views

Shacabka dalka Canada oo u dareeray doorashadii guud ee Federaalka

Shacabka dalka Canada oo u dareeray doorashadii guud ee Federaalka
____________________________________________________________________________

QOL | Toronto | 20 October 2015 | Dalka Canada ayaa waxaa ku soo gabagaboobay tartan dheer oo doorasho muddo11 usbuuc ahna ka socday dhamaan wadanka 10-ka gobol(Province) ee federaalka Canada ka kooban yahay (British Colombia, Alberta, Saskatchewan, Manitoba, Ontario, Quebec, New Brunswick, Nova Scotia, Prince Edward Island, Newfoundland and Labrador iyo sadexda territory
Nunavut, Northwest territory & Yukon).

12119163_10206475928111775_4886742372815302262_n
Sagaal sanno iyo sideed bilood ee la soo dhaafay waxaa awooda wadanka hayay xisbiga Conservative-ka kaasoo xukunka kala wareegay dowlad aan awood badan lahayn (Minority Government) oo Liberal ah wadankana ka talin jirtay xilligaa.
Xisbiga Conservative-ka oo markii uu awooda kala wareegayay xisbiga Liberal-ka 2007 ayaan helin dawlad awood leh isagoo hogaanka ku hayay Minority Government hasa yeeshee 2011 ayuu mar kale guuleeystay isagoo helay awood xoogan(Majority Government ) wuxuuna la soo baxay siyaasado xag jira dadkuna ay aad u dhibsadeen.

linr-ahmed
Habeenimadii isniinta 19-kii Oktoobar 2015, ayaa waxaa wadanka Canada guud ahaan ka dhacday duufaan Liberal ah taasoo gebi ahaan wadanka uu xisbiga Liberal-ka kuraas badan ku helay isagoo markaa kulahaa kuraasta baarlamaanka 30 mudane keliya ayuu wuxuu ku guuleeystay 184 kuraasta baarlamaanka ah taasoo ay u suurto gashay inuu noqdo dowladii ugu horeeysay Liberal ee awood leh tan iyo 1993.
Duufaantaa Liberal-ka waxaa nasiib u helay nin Soomali ah oo u tartamayay xisbiga Liberalka laguna magacaabo Ahmed Hussen, kaasoo kaga adkaaday xaafad ka mid ah xaafadaha Toronto nin ku fadhiyay kursigaas 15-kii sanno ee la soo dhaafay kana socday xisbi lagu magacaabo New Democratic Party(NDP).
Toronto oo ah magaalada ugu wayn dalka Canada islamarkaana ah magaalada 4aad ee North America ugu wayn waa magaalada ugu dadka badan Canada taasoo u suurto gelisay Toronto inay noqoto magaalada ugu xildhibaannada badan federaalka wadanka, waxayna keligeed leedahay 25 kursi, duufaantii Liberalka dhamaan 25-ka kursi waxaa wada helay xisbiga Liberal-ka.

somali-first-canada-660x350
Xaafadda York South Weston waa xaafad ku taala galbeedka magaalada Toronto kana mid ah xaafadaha ugu waaweeyn ee magaalada Toronto degaana ay u tahay in ka badan 116.000 kun oo dad ah, iyadoo ay tahay xaafad ay degaan dhamaan dad ka kala yimid shanta qaaradood ee dunida.
Dadka Soomaalida ah ayaa iyaga degaankaan xoog ku leh waxay doorashadaan muujiyeen isku duubnaan, iyagoo aan u kala harina inta u codeeyn karta xaafaddaasna degan waxay codkooda siiyeen ninkaa Soomaaliga ah iyo xisbiga uu ka tirsan yahay ee Liberalka, taasoo u suurto gelisay Mudanahaa iyo dadka Soomaaliyeedba inay noqdaan markii ugu horeeysay dad cod ku yeelan doona golaha looga arimiyo wadanka Canada, danaha Dadka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee degaanka deganina ay u wakiisheen nin ka soo jeeda Soomaaliya.
Ahmed Hussen wuxuu ku dhashay Soomaaliya kuna barbaaray, 1993 ayuu yimid dalka Canada, wuxuu wax ku bartay jaamacadaha York University oo uu ku qaatay History iyo University of Otawa oo uu sharciga ku bartay waana nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka(Social Activist), waxaan u rajeeynaynaa guul.

By Mustafa Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment