6261 Views

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa shir is xog waraysi ah la yeeshay waaxyaha maaliyadda ee Wasaaradaha Dowlada

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa shir is xog waraysi ah la yeeshay waaxyaha maaliyadda ee Wasaaradaha Dowlada
____________________________________________________________________________

Muqdisho QOL | October 21, 2015 –  Xisaabiyaha guud ee dowlada federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa saaka kulan balaaran la yeeshay waaxyaha maaliyada iyo howlawadeena dhanka xisaabaadka ee Wasaaradaha dowladda, shirk ayaa u jeedkiisu ahaa is xog waraysa dhanka hagaajinta maamulka maaliyadda, horumarinta wasaaradaha dhanka isticmaalka nidaamka FMIS, oo hada ku eg wasaaradda maaliyaada, bangiga dhexe, garoonka Aden Cade iyo Dekeda Muqdisho,

xisaabiyaha-guud-df-2Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay in kabadan 70 howladeeno waxaana laysku dhaafsanayey qaabka loo wada shaqayn karo, iyo sida xogta ku salaysan mushaaraadka shaqaalaha iyo xisaabaadkooda loo wadaagi karo.

Xisaabiyaha guud oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in u jeedka shirkaan yahay sidii loo joogtayn lahaa kor u qaadida isla xisaabtanka iyo maamul wanaaga, taas oo ah siyaasadda Wasaaradda Maaliyada ay ku shaqayso.

”Waxaan soo marnay marxalado kala duwan, maanta waa ilaahay mahadiis hadii aan ka wada hadlayno sidii loo hagaajin lahaa maamulka maaliyadda iyo isla xisaabtanka, waxaa sidoo kale fikado isku dhaafasanaynaa sidii loo diyaarin lahaa miisaaniyada sanada 2016 oo ay hada socoto diyaarinteeda iyo hirgalinta nidaamka FMIS oo fududeyanaya la socodka kharaashaadka dowladda soo gala iyo siday ku baxaan” ayuu yiri mudane Siraaji

Xisaabiyaha guud ayaa ugu danabayn sheegay in shirkaan looga hadli doono sidii loo balaarin lahaa maamulka Maaliyadda ee xafiisyada Wasaaradaha, oo markii hore hal qof oo kaliya iska lahaa saxiixa iyo go’aamada.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment