5025 Views

Xukuumadda oo lagu wado iney magacawdo guddi wax ka qaban doona fatahaadaha

Xukuumadda oo lagu wado iney magacawdo guddi wax ka qaban doona fatahaadaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 October 2015 –Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay soo magacaabi doonto guddi heer Qaran ah  oo wax ka qaban doona Khataraha laga digay in ay geeysan karaan Roobab ka da’aya dalkeenna Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cumar Carte R/wasaare ku xigeenka  dalka ayuu ugu baaqay ku xigeenka dadka Soomaaliyeed iney ka fogaadaan meelaha laga yaabo in Wabiyada ay ka Fatahaan.

Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay in roobab ka da’ Soomaaliya ay geeysan karaan Khataro halis ah, waxayna xukuumaddu u muuqata iney u diyaargaroobeyso sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin ka dhasha roobabka deyrta ee ka curtay dalkeenna Soomaaliya.

Xukumadda ayaa lagu wadaa iney dhawaan magacowdo guddi heer Qaran ah oo loo xilsaaro wax ka qabashada Khasaaraha ka dhasha Fatahaad ay sameeyaan Wabiyaasha Jubba iyo Shabelle.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment