3609 Views

Dowladda F. S. iyo Maamul goboleedyada oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan kheyraadka dalka

Dowladda F. S. iyo Maamul goboleedyada oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan kheyraadka dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 October 2015 –Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis is afgarad ah oo ku saabsan sida looga faa’ideysan karo kheyraadka dalka.

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Wasaaradda Batroolka xukuunadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mukhaar Ibraahim iyo Wasiirradda Batroolka iyo Tamarta ee Maamullada Puntland, Jubbaland,  Koofur-galbeed iyo Galmudug.

Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiirka wasaaradda Batroolka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaani uu dhigayo in la soo magacaabo guddi ka kooban Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, kaasoo muddo 7 cisho ah ka soo shaqeynaya qaabkii loo maamuli lahaa, loona maareyn lahaa shidaalka iyo Khayraadka Dalka .

“Heshiiskan waa mid horudhac ah oo la rabo in laga gaaro is faham siyaasadeed oo ku aaddan qaabkii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka Dalka, sidaa darteed Wasaaraddeena waxaa ka go’an inaan hirgelinno Heshiiskaas waxaana tagi doonaa Magaalooyinka Maamulladaas si aan u ambaqaadno Heshiiskaas” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan Dooneynaa in aan Dastuurka hadhow la sameynayo is faham siyaasadeed oo ku saleysan qaabkii lagu wadaagi lahaa kheyraadka si aysan u dhicin is faham-darro colaad abuurta.

Wasiirka ayaa xuusayy in Maamullada dalka ay soo magacaabayaan dadkii uga qeyb geli lahaa wada hadalka dowladda dhexe, waxaana uu intaa ku daray in xubnaha wakiilka ka ah maamuladaas ay ka wada shaqeynayaan sidii is faham buuxa loo gaari lahaa, kaasoo ku saabsan kheyraadka dalka, sida laga yeelayo heshiisyadii hore loo galay iyo qaabka loo wadaagayo kheyraadka dalkeenna.

shirjaraaid0003

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment