3714 Views

Qunsulka Guud ee Cadan oo ku baaqay in si deg deg ah loo fuliyo waxa ka soo baxay shirkii Brussels

Qunsulka Guud ee Cadan oo ku baaqay in si deg deg ah loo fuliyo waxa ka soo baxay shirkii Brussels
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 October 2015 –Qunsulka Guud ee Dowlada Federaalka soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan ee dalka Yamen Axmed Cabdi Xxasan Suudaani oo la hadlay Radiyo muqdisho ayaa soo dhaweeyay qodobada ka soo baxay shirka Magaalada Brussels lagu soo gaba gabeeyay ee loogu yaboohay Qaxootiga Soomaaliyeed lacagta aadka u faraha badan.

Axmed Suudaani ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay fuliyaan si deg deg ah waxyaabaha ka soo baxay shirkaasi ee lagu caawinayo qaxootiga Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa yemen ka soo cararaya.

“Shirkani oo ay ka qeyb galeen Ra’isul wasaaraheena,Wasiirkeena arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiinta kale Ee Soomaaliya waa lala soo daahay ayaan dhihi karaa maxaa yeelay qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen dhibaato ayaa ku heysata Yemen iyo Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan arkay qaar ka mid ah dadkii aan ku soo daad gureynay Maraakiibta, Doomaha,iyo diyaaradaha oo ku soo noqday yemen, iyagoo ii sheegay  in dalka gudihiisa sidii ay u baahnaayeen aysan ka helin Hey’adaha Caalamka, marka waxaan codsanayaa in la soo dadajiyo yabooha lacageed ee Shirkaasi ka soo baxay” ayuu yiri Axmed Suudaani.

Dhaqaalaha lagu yaboohay shirka waxa ay ka badan tahay 100 Milyan oo dollar inkastoo waddamada qaar ee ka qeybgalay shirka ay sheegeen in dib ay ugu biiri doonaan yabooha loo fidinaayo qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.

Waxaa kaloo shirka aad looga hadlay siddii fursado loogu abuuri lahaa qaxootiga Soomaalida ee doonaya in ay dib dalka ugu soo laabtaan.

Waxaana dhammaan dhinacyada ka qeybgalay ay hoosta ka xariiqeen in waddamada la mid ah Soomaaliya ee hadda ka kabanaya dagaallada in ay Soomaaliya ugu wanaagsan tahay.

,

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment