3393 Views

Shir-weynihii looga hadlayay isbedelka cimilada iyo masiibooyinka oo lagu soo geba gebeeyay Muqdisho

____________________________________________________________________________

yuu-620x264

Muqdisho, 22 October 2015 –Shirweynihii looga hadlayey sidii looga gaashaaman lahaa isbedelka cimilada, Fatahaadda, Roobabka iyo roobabka la filayo in ka da’aan dalka ayaa maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho.

Waxaana shirka ka qayb galey R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte, Wasaaradaha ay khuseyso, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo Kulankaas uu furey Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Wasiirkii hore ee baaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Baafo oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Maamul gobaleedyada wadanka ka jira ay kala tashanayaan sidii loo sugi lahaa cunnada loogana hortagi lahaa musiibooyin dhaca. Waxaa uu intaas sii raaciyey

“Waxa ugu weyn waxa ay tahay in la helo qorshe mideysan oo dhinaca Soomaalida ka soo baxa, dowladda dhexe hogaamineysa, qeybna ka yihiin Maamul gobaleedyada, Mashaarciida la fulinayo  ineysan ahaanin kuwo banaanka laga keenay oo ay ahaadaan kuwo aan annaga k asoo shaqeynay” ayuu yiri Baafo.

Wasiirkii hore ee Beeraha Mudane Cabdi Maxamed Baafo ayaa sheegay in shirkii looga hadlayay arrimaha Shirka Sugidda Cuntada, u adkeysiga Aafooyinka iyo La qabsiga is badalka cilimida uu ahaa mid aad iyo aad loogu baahnaa isla markaana uu ku soo beeegmey Xili loo baahnaa maadaama Soomaaliya la filyo in ay ka da’aan Roobab Wata Fatahaado

Shirka oo socday muddo labo maalmood ah waxaa ka soo baxay Qodobo Muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in Dowladdu ay magacowdey guddi ka soo shaweyndoona sidii la igasa kaashan lahaa Fatahaadda iyo Roobabka la filayo in ay ka da;aan Soomaaliya , wuxuuna guddigaasu u howlgeli doonaa sidii wax looga qaban lahaa Roobabaka Fatahaadda wata ee laga digey.

Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in Roobab wata dabeylo iyo fatahaado ay ka dhici doonaan Soomaaliya, waxeyna markiiba dowladda Federaalku bolaabowday iney u diyaargaroowdo sidii looga hortagi lahaa masiibooyinkaas laga digay.

DSC_2938DSC_3227DSC_3418

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment