3522 Views

Wasaaradda Maaliyadda ayaa gabi ahaanba joojisay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee laga qaadi jiray ganacsatada

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 22, 2015 – Iyadoo la tixraacayo wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 ee ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti, ayaa si toos ah loo joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa.

Wareegtada ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo xaalada amaan xumo ee dalka ka jirtay mudada dheer, taas oo sababtay in aan la qaadi karin canshuurihii ku waajibay ganacsatada suuqyada ayaa wasaaradu si ay u barto ganacsatada waxaa lagu soo rogay 2014-kii iney bixiyaan ganacsatadu khidmad 20 doolar ah.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay si looga gudbo marxaladihii kalifay in la qaado khidmad duuduub ah, ayaa gabi ahaanba la joojiyey 20-kii doolar ee laga qaadi jiray ganacstada suuqyada wax ku iibisa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21/10/2015.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Wasaaradu la imaanayso qorshe faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sidii loo qaadi lahaa canshuuraha gadista, ee ku waajibtay ganacsatada suuqyada wax ku iibisa iyadoo la raacayo shuruucda dalka ka jirta.

Ugu danbayntii Wareegtada aya lagu xusay in laamaha ilaalinta canshuuraha ay gacan buuxda ka geeystaan kaalintooda ku aadan kor u qaadida sidii loo ururin lahaa canshuuraha.

 

 

 

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment