3780 Views

Wasiirka Waxbarashada oo 300 oo arday ah u sagootisay Itoobiya

Wasiirka Waxbarashada oo 300 oo arday ah u sagootisay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 October 2015 –Wasiirka waxbarashada xukuumada Soomaaliya  Khadar Bashiir Cali oo ay wehliyaan wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi iyo xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliaya ayaa kulan sagootin ah waxay jaamacada Umada Soomaaliyeed ugu sameysay arday ka badan 300  kuwaas oo laga kala keenay 18 gobol ee dalka islamarlaana deeq waxbarasho ka helay dowlada itoobiya.

Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada Cabdulaahi Bile Nuur ayaa arday u sheegay in looga baahan yahay ku dadaalida waxbarashada maskaxdana ay ku haayaan inay yihiin madaxda mustaqbalka.

Wasiirka waxbarashada xukuumada Soomaaliya Khadar Bashiir Cali ayaa arday ay u qabatay kulanka sagootinta ah waxay u jeedisay dardaaran ku aadan qiimaha ay leeyihiin dalka iyo umada Soomaaliyeed.

Ardaydan Soomaaliyeed ayaa dalka Itoobiya Jaamacado ku yaala waxaa ka baran doona, waxaana fursadan waxbarasho oo ardaydan nasiibka u heleen ay qeyb ka tahay dadaalada kor loogu qaadayo aqoonta da’yarta Soomaaliyeed.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment