4593 Views

Yaab : Xasan Sheekh oo loo soo diray hambalyo ku aadan 21 Oktoobar 1969

Yaab : Xasan Sheekh oo loo soo diray hambalyo ku aadan 21 Oktoobar 1969
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 October 2015 – Boqorka Sacuudiga Sulmaan Bin Cabdal Casiis Aala Sucuud ayaa hambalyo ku aadan 21ka Oktoobar u soo diray Madaxweynaha  Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud taas oo cid xustay aynan jirin

Boqorka ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba u rajeeyay barwaaqo iyo horumar, waxaana tahniyaddaan mid la mid ah  diray Dhaxal sugaha, ahna Ra’iisulwasaara ku xigenka ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Bin Salmaan bin Cabdal Casiis Aala Sacuud iyo dhaxal sugaha kasii sugaha, ahna ku xigeenka labaad ee ra’iisulwasaaraha ahna wasiirka Gaashaan dhiggan Dalka Sucuudiga.

Labada mas’uul ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo madaxweynahoodaba u rajeeyay caafimaad iyo farxad iyo in ay Soomaaliya barwaaqo iyo horumar gaarto.

Warkaan ayaa waxaa daabacday wakaaladda rasmiga ahe e boqortooyada Sucuudiga u faafisa wararka ee WAAS ayaa warkaan qortay, waxaana dib u daabacay inta badan jaraa’id kala duwan ee dalkaasi ka soo baxa.

Soomaaliya ayeysan jirin wax dabaaldag ah oo ay sameyey dalka ,dowladihii KMG ha iyo dowaldan jirta ee federaalka  ayaan midna Xusin maalintan inkastoo xiligii uu dalka maamulayey kacaankii dhashay habeenki 21 Oktoobar 1969-kii ee uu Hogaaminyey Maxamed Siyaad Bare si weyn loo dalka looga dareemi jiray.

Waxa ay ahayd in la xuso maalinta 21-ka Oktoobar oo ah maalin qiima ugu fadhiso Dalka iyo Dadka Somaaliyeed. Kacaanki inta uu Wadanka u taray cid ka dambeeysay ee wax tartay ma jirto, mana aha in Taarikhda Soomaaliya qaarna la qaato, qaar kalena la inkiro.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment