4086 Views

Cudurka Dabeysha Oo Soomaaliya Laga Waayay

Cudurka Dabeysha Oo Soomaaliya Laga Waayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 October 2015 – Hey’adaha Qaramada midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa ay ku dhawaaqeen in sanadihii 2013-2014 Soomaaliya laga heley cudurka Dabeesha kaas oo saameeyay dad ku dhow 200 oo ruux oo u badan carruur uu ka dhaaday cudurkaasi Soomaaliya.

Sida lagu sheegay waxbixin ay si wadajir ah u soo saareen hey’adahaUNICEF, WHO iyo hey’adda caalamiga ah ee ka shaqeeya ciribtirka cudurka Dabeesha,iyadoo tani ay ka dambeysay 14 bilood kadib markii kiis cudurkaasi kamid ah laga heley dalka.

Qiimeyn laga sameeyay guud ahaan Soomaaliya ayaa bishan Oktoober waxaa la go’aamiyay in Soomaaliya laga waayay cudurkaasi.

Isku dubaridka gargaarka ee Soomaaliya  Peter de Clercq ayaa sheegay in guulaha arintan laga gaaray ay sharafteeda leeyihiin mutadawaciinta  Soomaalida ah kuwaas oo naftooda khatar u geliyay sidii ay u badbaadin lahaayeen nolashada dad oo Soomaaliyeed.

Isagoo dowladda Soomaaliyana ku amaanay la dagaalanka cudurkan si wadanka looga ciribtiro.

“Madaxda Soomaalida waxaa ay cudurka Dabeesha ka dhigeen mudnaanta koowaad ee qaranka ayagoo sameeyay dadaal xoog badan si carruurta oo dhan tallaalka u qaataan,” ayuu yiri .

Cudurka Dabeesha ayaa laga heley Soomaaliya sanadkii 2013 bishii Maay, taas oo aheyd markii ugu horeysay muddo lix sano ah, kadib markii waalidiinta gabar labo sano jir ah oo Muqdisho jooga la arkay ayadoo aan socon Karin.

Cudur sidaha loo yaqaano virus, ayaa ah mid sababi kara curyaanimo ama  paralysis xitaa dhimasho, waana mid si dhaqso leh ku fidi karaa, waxaana uu saameeyay 194 ruux sanadkii 2013-ka.

Iyadoo Soomaaliya dadka uu cudurkan uu saameeyay ay gaarayaan ilaa 5 ruux sanadkii 2014ka.

In ka badan  2.1 million oo carruur ah oo da’dooda ay ka hooseyso shan jirka ayaa bartilmaameed u ahaa olole  tallaal ah oo ay fulisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayadoo kaashanaysa hey’adaha qaramada midoobay  iyo ururka GPEI.

Labo kamid ah shaqaalaga hey’adda UNICEF oo ka shaqeynayay la dagaalanka cudurka Dabeesha ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Garoowe bishii April.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment