6204 Views

Kenya oo Qaramada Midoobay u gudbisay cadeymaha muranka dhinaca badda ee Somalia.

Kenya oo Qaramada Midoobay u gudbisay cadeymaha muranka dhinaca badda ee Somalia.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 October 2015 – Dowlada Kenya ayaa dacwad ucusub oo u gudbisay gudiga qaramada Midoobay ee New-York taasoo daba socota muranka badda ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Somalia.

Somalia ayaa hore maxkamadda cadaalada ee qaramada midoobay ugu gudbisay dokumentiyo cadeyn u ah lahaanshaha badda ay ku muransanyihiin labada dal walow Kenya ay ku doodeysay in ogaato halka ay xaqa u leedahay si ugu faa,iideysatay qayraadka halkaasi ku jira.

Xer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai iyo koox uu hogaaminayo ayaa khamiisti la soo dhaafay soo bandhigay qariidada badda lagu muransanyahay oo la uruuriyey todobadi sano ee la soo dhaafay.

Soo bandhiga cusub ee ay Kenya u gudbisay gudiga qaramada midoobay ee New- York ayaa imaanaya iyadoo dowlada Kenya ay waxba kama jiraan ku tilmaantay dacwada ay Somalia u gudbisay maxkamada cadaalada ee qaramada midoobay.

Dowlada kenyaa ayaa dooneysa in siyaabo kala duwan ugu faa’iideysato badda lagu muransanyahay oo dhan ilaa 100 kun oo kilo oo iskuweer ah iyadoo baddaas ay hodan ku tahay dhinaca shidaalka.

Kenya waxaa hore ugu hungowday in ay heshiis kala gaarto Somalia muranbadeedka u dhaxeeya labada dal.

 

 

.

Source: Mareeg

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment