3894 Views

Wasaarada Caafimaadka Oo Sheegtay In Ay Diyaarisay Dawooyin Lagu Caawinayo Dadka Degan Webiga Jiinkiisa

Wasaarada Caafimaadka Oo Sheegtay In Ay Diyaarisay Dawooyin Lagu Caawinayo Dadka Degan Webiga Jiinkiisa
____________________________________________________________________________

 

xaawooy

Muqdisho, 23 October 2015 – Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sameysay diyaar garow ku aadan dhibaatooyinka caafimaadka ee ka dhalan kara roobabka xoogan  ee la saadaaliyay in ay ka di’i doonaan Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Xaawo Xasan oo ka hadashay Fatahaadaha iyo Qataraha ay keeni karto “EL ÑINO” ee la saadaaliyay ayaa sheegtay in ka wasaarad ahaan ay diyaariyeen qorshayaasha fatahaadaasi haddii ay dhacaan ay kaga hortagayaan cudurada ka dilaaca.

Marka roobab iyo fatahaadaha ay dhacaan waxaa ka dhasha cuduro kale duwan oo u baahan in loo guntado sida in uu dilaaco Shuban biyood,kaneeco iyo cuduro kale duwan , waxaana  wasaaradu ay xustay in ay diyaarisay dawooyinka loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee degan wabiga jiinkiisa.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku horumarineyso xaruumaha caafimaadka ayna ku caawineyso waxyaabaha kale duwan ee muhiimka u ah xaruumahaasi.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment