3618 Views

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands

____________________________________________________________________________

unnamed25-620x264

Muqdisho, 24 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Amb. Franciscus Albercht Makken.

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyey doorka Boqortooyada Netherlands ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero sidii barnaamijyo mihnadeed loogu fidin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana Midowga Yurub iyo beesha caalamka ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya sidii loo joojin lahaa falal kaluumeysi sharci darro ah oo ay xeebaha dalka ka sameynayaan maraakiib shisheeye.

Danjire Makken, safiirka cusub ee Netherlands, ayaa isna sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada ay ka geysaneyso barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku darey in Boqortooyada Netherlands oo la shaqeyneysa Midowga Yurub ay wadajir wax uga qaban doonaan baahiyada ka jira Soomaaliya, iyagoo talooyin ka qaadanaya madaxda Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kediye, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socdey labada dhinac.

unnamed-135unnamed-222unnamed-321unnamed-418

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment