4173 Views

Shir looga hadlayo horumarka dalalka soo koraya oo lagu qabtay Malaysia

____________________________________________________________________________

IMG_0219-620x264

Muqdisho, 24 October, 2015: Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay sidii wadamada soo koraya ay u gaari lahayeen isbadal horumarinaeed oo dhan waliba ah, laguna qabtay caasimadda Kuala Lumpur ee Wadanka Malaysia

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo gaari lahaa isbadal horumarineed   isla markaana 15 sano ee soo socota uu wadan walba ku tilaabsan  lahaa isku filnaansho dhinac walba  ah,  waxaana shirkan Dowladda Soomaaliya u matalayay Wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka badda mudane Nuur Faarax Xirsi, Wasiiru dowlaha Wasaradda arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali, Wasiir ku xigeennka Wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda  Mudane Saciid Jaamac Cali , Safiir Ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia Mudane Jabriil Sheekh Cismaan, xubin kasocotay Wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah iyo qaar kamida ardayda wax ka barata Malaysia

Shirkan waxa uu daba socday shirar hore oo ka dhacay Wadamo fara badan oo ay kamid yihin Ethiopia  iyo Maraykanka,  waxayna  Soomaaliya  shirkan u laheyd muhiimad gooni ah madaama Soomaaliya ay ka tirsan tahay wadamada dhaqaalahooda uu hooseeyo

Gooobta shir uu ka socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay farsamooyin sahli kara in wadan waliba uu gaaro horumar ku filan, waxaana sidoo kale lagu casuumay shirkan dad caan ka ah adduunka oo wadamadooda gaarsiiyay horumar la taaban karo.

IMG_0090104IMG_0085IMG_0228

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment