3882 Views

Bankiga horumarinta Afrika oo $ 30 Milyan ugu deeqay Soomaaliya

____________________________________________________________________________

 

The-African-Development-Bank-Group-AfDB1-500x264

Muqdisho, 25 October, 2015: Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ah wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya isla markaana kamid ah mas’uuliyiinta Bankiga horumarinta Afrika oo fadhigiisu yahay magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Baanka oo ku deeqay 30 milyan oo dollar oo loogu talagalay in  lagu caawiyo qaxootiga Soomaaliya.

Balan qaadan ay sameeyeen Bankiga horumarinta Afrika ayaa qeyb ka aheyd shirkii dhowaan lagu qabtay magaalada Baraasalis ee dalka Beljam kaas oo looga hadlayay sidii loo caawin lahaa qaxootiga Soomaaliya.

“Anaga waxaan ku deeqnay 30 milyan oo dollar oo aan dooneyno wixii aan qaban karno aan qabano” ayuu yiri Dr Beyle.

Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Bankiga ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii Baanka qeyb uga qaadan lahaa dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliya.

Qaxooti aad u tiro badan oo Soomaali ah ayaa ku nool wadamo badan oo kamid ah caalamka, waxaana tirada ugu badan oo qaxootiga Soomaalida ay ku nool yihiin dalalka Kenya, Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment