4461 Views

Hay’adda Culimada oo bayaan ka soo saartay shaqsiyaad sheegtay inay Diinta ka baxeen

Hay’adda Culimada oo bayaan ka soo saartay shaqsiyaad sheegtay inay Diinta ka baxeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 October, 2015: Kulan ay soo qaban qaabiyeen hay’adda Culimada Soomaaliyeed, loogana hadlayay waxa ay shareecada Islaamka ka qabto shaqsiyaad Soomaaliyeed oo sheegtay ina y ka baxeen Diinta Islaamka, isla markaana lagu baahiyay barashada ay wadaagto ayaa waxaa ka qeybgalay culimaa’udiin, ugaasyo, aqoonyahanno, waxgarad iyo qeybaha bulshada, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Culimaa’udinkii iyo aqoonyahanadii ka qeybgalay kulanka ayaa waxa ay si wada jir u tilmaameen in Diinta Islaamka diin aan ahayn oo Alle agtiisa loogu dhawaanayo aysan jirin, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in dastuurka KMG ah ee dalka ay ku caddahay in Diinta Islaamka diin aan ahayn lagu faafin karin gudaha dalka, dowladdana looga fadhiyo inay ka hortagto shaqsiyaadka dhaawacaya jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo saxaafadda u akhriyay bayaanka ay hay’addu ka soo saartay dadka sheeganaya inay ka baxeen diinta Islaamka ayaa xusay in waxa baraha bulshada lagu baahiyay uu yahay mid abaabulan oo la gudoonayo in lagu khalkhalgeliyo Muslinimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, iyagoo baaq u diray qurbojoogta iyo dowladda Soomaaliya.

Todobaadyadii la soodhaafay ayaa waxaa baraha bulshada ay wadaagto lagu soo bandhigay muuqaalo ay iska soo duubeen dad Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasi oo sheegtay inay ka baxeen diinta Islaamka, taasi oo ay si weyn uga caroodeen dhamaan dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment