4191 Views

Madaxweynaha oo furi doona kalfadhiga 7 ee golaha shacabka

____________________________________________________________________________

 

Madaxweyne-Xasan1-620x264Muqdisho, 25 October, 2015: Kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabaka,furitaanka ayaa waxaa ka qeybagalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka  iyo inta badan ee xubnaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furitaanka kalfadhiga todobaad ee golaha shacabka ka jeediyo khudad dastuuri ah oo uu kaga hadli doono wax qabadka dowladda Soomaaliya iyo arimaha u qorsheysan in ay wax ka qabato.

Qodobka 90 aad ee dastuurka qaranka ayaa madaxweynaha dalka waxaa uu fareyaa in uu furo kalfadhiyada golaha shacabka, iyadoo kalfadhigan todobaad uu Baarlamaanka Soomaaliya uga dhigan yahay kalfadhigii ugu dambeeyay golaha, waxaana horey  soo mareen ilaa lix kalfadhi.

Kalfadhigan maanta sida uu qorshuhu yahay farmi doona waxaa Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa in uu sharciyo badan uu soo saaro maadaama waqtiga jiritaanka Baarlamaanka uu gabagabo uu ku dhow yahay.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment