3777 Views

Shir cadalaada ku saabsan oo lagu qabtay Muqdisho

Shir cadalaada ku saabsan oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 October, 2015: Shirka PSG3 (Public Somali Growth-3)  ee looga hadlyayo  arimaha cadaalada iyo horumarka  laga sameyay isla markaana bishii mar la qabto ayaa  looga hadlayaa  tiirarka horumarineed ee loo yaqaano hiigsiga cusub ( New Deal) ayadoo  golgal xaar uu u yahay shirka  hiigsiga cusub  ee 27  bishan ka furmi doona  magaaladda Muqdisho kaa ay isku  imaanayaan  hay’adda deeq baxiyaasha caalamka iyo xubna dowladda dhexe iyo maamul gobaleeyadda dalka.

Mas’uuliyiinta  ka qeybgashay  shirkan ayaa waxay ka kala socdeen  Wasaraddaha cadaalada ee  maamul gobaleedyadda Puntland,Galmudug,Jubaland,Koonfur galbeed,ururadda bushadda rayidka iyo wasaaradda calaada ee xukuumadda Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa nidaam wada shaqeyn oo hufan kaasi  horsed ka  noqan kara natiijadda wax ku ool ah ee ka soo baxda shirka ku saabsan horumarinta cadaaladda iyo sidii loo fulin lahaa.

Xoghayaha joogtada ah ee  Wasaaradda cadaalada dowladda Soomaaliya oo shirkan halka maalin ka socday magaalada Muqdisho ayaa in wasaaradda cadaalada ay wado qorshe lagu horumarinaayo arimaha cadaalada dalka isla markaana guud ahaan maamulada ka jira dalka ay arintaas uga wada istaagi lahaayeen.

Shirkan natiijadii ka soo baxda ayaa waxaa la geyn doonaa shirka 27 bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho kaas oo ay isugu imaanayaan dowladda dhexe, maamulada dalka ka jira iyo beesha caalamka.

IMG_0601IMG_0602IMG_0634IMG_06381IMG_0639IMG_0646

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment