7701 Views

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka X.D.S oo booqday Garoonka Bali-doogle

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka X.D.S oo booqday Garoonka Bali-doogle
____________________________________________________________________________

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay ujeedka ay maanta u soo gaareen Ballidoogle in ay tahay sidii loogu kuurgeli lahaa baahiyaha  kala duwan ee ay qabaan Ciidamadda Xoogga dalka ee halkaas ku sugan, isagoo xusay ciidanka Danab oo ka tirsan xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay halkaas ku qaateen tababar heerkiisu sareeyo, haddana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada difaaca dalkooda hooyo.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan halgan muddo socday hadana socda oo dalkan looga sifeynayo cadowga kusoo duulay ee Al-shabaab” ayuu yiri Wasiir Diini oo dhinaca kale ku ammaanay saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka deegaanadan ku sugan sida ay ugu dhabar adaygeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa kula dar-daarmay ciidamadii kala duwanaa ee uu booqday in ay mar walba dantooda ka horumariyaan mida qaran si loo xaqiijiyo hadafka iyo macnaha uu leeyahay Askarigu. Wuxuna hoosta ka xariiqay Taliska Cusub ee Ciidamadda Xoogga dalku hadda wixii ka danbeeya uu mar walba isha ku hayn doono baahida iyo arrimaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin Ciidanku“.

“Waxaan diyaar u nahay in aan baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono. Waxaa aad ii farxad geliyey markii ay indhahaygu qabteen geesiyaashii Danab oo dib loosoo carbiyey hadana u diyaarsan difaaca dalkooda, tanina waa guul kale oo nagu dhiirigelinaysa inaga oo kaashanayna saaxiibadeena caalamka in aan xoojino dhismaha ciidan leh awood iyo hufnaan sare’’ayuu yiri Sareeyo Gaas Maxamed Aaden.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay raadadkii dagaalada sokeeye weli in ay ka muuqanayaan Garoonka Balli-doogle, isagoo tilmaamau in madaxda sare ee qarankana ay la wadaagi doonaan xaaladda ka jirta garoonka si deg-deg wax looga qabto.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamadda Cirka Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood”  ayaa xusay in hay’ado gaar ah ay dhismayaal ka wadaan Garoonka Balli-doogle ee Ciidanka Cirka kuwaas oo fasax aan u haysan in ay xarumo ka sameystaan, wuxuna ku baaqay in la ilaaliyo sumcadda iyo sharafta ciidanka cirka cid walba oo garoonka dhisme sharci darro ah ka wadana sharciga lala tiigsan doono.

User comments

User comments

User comments

User comments

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment