3492 Views

Baarlamanka Federaalka meel marinta sharciyada muhiimka ah

Baarlamanka Federaalka meel marinta sharciyada muhiimka ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Khudbad uu arrimo badan oo muhiim ah uu ku lafagurey, oo uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu ugu horeyn u mahadceliyay Baarlamanka, guddiyada joogtada ah iyo guddoonka sidii habsamida lahayd ee ay u socdeen howlaha barlamaanka muddadii la soo dhaafay.

Waxaa uu si gaar ah Madaxweynaha u taabtey xaaladda siyaasadda ee dalka iyo qorshaha xilliga kala guurka ee sannadka 2016-ka.

“In kastoo horumar la taabankaro la sameeyey , haddana waxa muuqata in ay weli qabyo yihiin hawlo badan oo ku xusnaa Hiigsiga 2016-ka sida: dib u eegista dastuurka, dhamaystirka dhismaha maamul goboleedyada iyo u diyaar- garowga doorashooyinka hal-qof-hal-cod ah oo aan dhammaanteen wada garowsanay in aanay ku dhamaystirmi karin xiligii loogu talo galay. Si horukaca Soomaaliya loo sugo waxa muhiim ah in la helo isbeddel siyaasadeed oo sharci ah, daah-furan kuna dhaca jawi nabad ah oo loo dhan yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley warbixin sannadeedkii dhowaan uu soo saarey Guddiga la Socodka Xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea ee Monitoring Group.

“Muddo ka badan 10 sano ayey hay’addan la socotay Soomaaliya, soona saaraysay warbixin kuwaan oo kale ah. Dhaliilaha ku cad warbixinta hay’addan waa badan yihiin, laakiin waa markii ugu horeysay ee ay warbixinteeda ku dartay in qaar ka mid ah hay’adaheena ay horumar dheeraad ah sameeyeen sida maamulka iyo maareeynta maaliyadda, xafidaadda iyo la socodka hubka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamanka looga baahan inay muddada yare ee u harsan ku dedejiyaan meel marinta sharciyada muhiimka u ah dalka sida dhismaha golaha adeegga garsoorka, oo uu sheegay in meelmarintiisu aad muhiim u tahay fulinta iyo meelmarinta sharciyada dalka u degsan.

Waxaa uu dhanka kale Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee ciidammada uu xusey in dalku uu marayo marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto illaalinta ammaanka, wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaasna shacabka laga dhowro wax kasta oo carqalad gelin kara, hannaanka siyaasadda iyo astaanka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu farey shacabka in laga fogaado dacaayadaha aan raadka lahayn sida wararka beenta ee maalmahan la isla dhexmarayo ee sheegaya in calanka wax laga beddelayo iyo kuwo la mid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladdu u taagan tahay ilaalinta madaxbanaanida iyo wadajirka Ummadda, lana xoojinayo illaalinta iyo difaaca dhammaan xudduudaha dalka, cir, dhul iyo bad intaba.

“Sidaad la socotaan waxay Dowladda Soomaaliyeed dacwad la xiriirta dhinaca badda ka gudbisay dalka aan dariska nahay ee Kenya. Sharciyaqaannada ku howlan dacwadan waxay marar badan warbixino la xiriira heerka ay marayso howlaha ay noo hayaan la qaybsadeen qaar ka mid guddiyada Golaha Shacabka. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinaynaa in dowladda Soomaaliyeed ay geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonto dhammaan ilaalinta xuduudaha. Waxaana kalsooni ku qabnaa in aanu xaqa Soomaaliyeed aanu lumi doonin’’.

Madaxweynaha ayaa waxaa munsaabadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamanka ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo baarlamanka ka tirsan.

Kalfadhigan 7-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu ka shaqeeyo barnaamijyada muhiimka u ah Hiigsiga siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka, oo la filayo in dalka ay doorashooyin ka dhacaan, lana adkeeyo nidaamka dib u soo celinta dowladnimo sal adag oo dalku uu yeesho.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment