1608 Views

Loollan iyo laab la kac!

Loollan iyo laab la kac!

October 25, 2015 |

    Kulmiyihii shalay, kulmiyaha Maanta iyo Kulmiyaha berri; Qormo lafo gur ah..Q1-aad

Arraar

  • kalshaale
    SCC. kalshaale

    “Umaan qaadan qalinka qayb

  • Umaan qorin weedha qolo
  • Umaan qallin hadalka quud
  • Dareenka qasbaa xarfaha
  • Qiyaas ugu dhigay kashkayga
  • Ee ninkii qoonsadoow ha qarin…” 

Arraartaa kooban kaddib, si koban haddaan idiinku iftiimiyo ujeedada qormadaydan ciwaankeedu kor ku xusanyahay; waa mid aan doonayo inaan bulshada ugu midhaamiyo xog ka qarsoon iyo xeelad aan badankeena inoo muuqan, oo ku lamaan tartanka Murrashaxnimada Madaxweynaha Kulmiye ee shirka golaha dhexe loogu diyaar-garoobayo.

Qormadan waxaad igula wadaagi doontaan aragti shakhsi ah iyo mid caam ahaan loo fahansanaan karo oo ay ka soo dheeganayno dhaqannada Siyaasaddeed ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye aynu ka baranay muddadii uu xukunka hayey, kuwaasoo aynu qaybta hore ee qormada dul-xaadis kaga gudbi doono, qaybta dambe’se sawir kaga bixin doono halka ay ciyaarta xisbigu cago-dhigan doono iyo casharrada xun-xun iyo kuwa wanaagsan ee laga faa’idaysan karo hirdanka ilaa bishan bilowgeedii lagu dhego-barjoobay ee aan manjarahiisu toosnayn.

Ifafaalaha maanta Nin agbuu ka arkaa, ninna ooggo korkeed’e, waxaan inta qormadan akhrisata uga afeef dhiganayaa inaan ku hadlayo aragti iyo dareen ku salaysan afkaarta bulshada ee guud, aanse aabla-ablaynayo inta aad taqaannaan iyo in ka kooban.

Waa kuma Kulmiye?

Sida la aaminsanyahay guushii kacdoonka quwada leh ku dhalatay ee uu Xisbiga Kulmiye hogaaminta waddanka kula wareegay sanadkii 2010-ku, wuxuu horseed u noqday hirdan cusub iyo hayaan ka dhex curtay mabaadi’ iska-soo-horjeeday oo qayb waliba doorkeeda ka ciyaartay xaqiijinta guushaas.

Mabaadi’da isku-lidiga ahaa ee hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo runta ku hubsaday markii uu talada la wareegay, ayey galka kala baxeen afkaartii ay kula socdeen xisbiga si aanu uga khasaarin baytal-maalkii ay gashadeen, iyagoo guntiga u xidhay sidii ay qaydhinka ugu goosan lahaayeen, isla markaana gacanta ugu dhigi lahaayeen meelihii u calaamadsanaa, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba intii dibada la joogay.

Guushaas xisbiga Kulmiye saddex kooxood ayaa qolo waliba kaalin muuqata ku lahayd, kuwaasoo aan midna la mabda’ ahayn, waxna u ogolayn, balse markii gulufka lagu jiray ee uu xisbigu mucaaridka ahaa ku wada socday mowqif guud oo ay ka sinaayeen isbedel doon, kaasoo biyo dhiciisuna ahaa inay talada dalka mar uun hantiyaan, kana saaraan meesha nidaamkii xukuumadii UDUB ee maamulka ku raagtay.

Kooxahan Masalaha xisbiga kaga fadhiyey saddexda daraf ee ay koox waliba danta gaarka ah iyo damaca fog ugu halgamaysay, waxaykala ahaayeen;

1-koox Ganacsato ah oo ku xisaabtamayey inay la wareegaan illaha dhaqaale iyo Khayraadka dihin ee dalka.

2- koox si aad ah isugu xidhan, isla markaana u abaabulan hab xeelladaysan oo siyaasadded, xidhiidh la leh Urur-diimeedyada ka soo if-baxay gobolka rubuc dhamaadka qarnigii tegay, kuwaasoo ah koox aad u firin fircoon, isna tusay in guusha Kulmiye ee hogaaminta dalku u sahlayso gaadhista bar bilowga yoolka siyaasaddeed ee ku salaysan salaanka hindisaha mustaqbalka dhexe ee aragtiyaha Islaamiyiinta xukun doonka ah.

3- kooxda kale, waa qolada ilaa iminka gacanta ku haya hogaaminta xisbiga, markii madaxweyne siilaanyo talada qabtayna lagaga yimi garoonkii xisbigu ku ciyaari jiray markuu mucaaridka ahaa. Waa naadigii manjaraha xisbiga kula wareegay qalaylka ee iyagu ka qayb-galka xukuumadda ka door-biday inay Madaxtinimada xisbiga ku hadhaan. Waa koox u badan halgameyaashii SNM oo ay hormuud u yihiin labada Konarayl ee guddoomiyaha iyo ku-xigeenka ka ah xisbiga, mabda’ooda Siyaasaddeedna waxa uu cakis ku yahay kooxda wadaaddada ah.

.

La soco qormooyinka dambe…

Qorre: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa

____________________________

 

Share This Post

Post Comment