6663 Views

Ilka Xanaf “Waxaa cabasho iiga timid dadkii Gobolada waqooyi ka yimid oo aan taladii dalka laga qeyb gelin”

Ilka Xanaf “Waxaa cabasho iiga timid dadkii Gobolada waqooyi ka yimid oo aan taladii dalka laga qeyb gelin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 October, 2015: Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf  oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Sare, ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi ( Somaaliland), kuwaasoo uu tilmaamay in aan wax laga siinntalada Wadanka.

Gudoomiyaha oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin iyo dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa sheegay in sida ay hada wax u socdaan ay horseedi karto midnimadii oo la wiiqo.

“Soomaalida dhulkeeda, goboladeeda iyo dadkeeda waa la yaqaan, Soomaalinimada iyo midnimada waxay ku jireysaa markii gobol walba ama cid walba ay talada ka qeyb gasho, hadii cid talada laga reebo, ama gobol ama degmo laga reebo oo aan lagu darin talada, macnaheeda waxa weeye Soomaalinimadii iyo midnimadii dalka ayaa la wiiqay”ayuu yiri Avv. Ilka-Xanaf oo sheegay in cabasho uga timid dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in talada dalka laga qeyb geliyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ee gobolada dalka ka soo jeeda, hadii taas la waayana ay mugdi gelin karto midnimadii iyo is raacii sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay dadku ka cabanayaan oo ay isugu yimaadeen oo aniga cabasho igu timid waxa weeye goboladii waqooyi ee qeyb ka mid ahaa dalkan Soomaaliya ayaa taladii waxba ku jirin, dadkii degmooyinka ama tuulooyinka matalayay ayaa talada laga reebay, hadii marka hore waqooyi ka nimid oo talo soomaali u nimid, waa midnimadii Soomaaliyeed iyo is raacii wiiqaya inaan ka hortagno, taas weeye tan qof walba u yimid”ayuu mar kale yiri Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf.

Avv. Ilka-Xanaf ayaa carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in Taladda Dalka laga qeeb galiyo dadka Soomaaliyed ee ka soo jeeda dhamaan Gobalada Dalka ,taa hadii la waayana waxa uu ka digay Midnimadda Soomaaliya in la weyn karo.

Guddoomiyha Maxakamadda Sare ee Dalka ayaa sidoo kale sheegay Hadii sidii loo baahnaa aan awooda dalka looga qeyb galin Siyaasiyiinta ka soo jeeda Daganadda uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland islamarkana laga tago ay horseedi karto sida uu yiri midnimada Soomaaliya oo kala go’da.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sii hadlayay ayaa yiri “Hadii laga tago oo la reebo oon waxba nagala weydiin ama taladeeda nagala reebo waxa weeye waa qatar, xumaan iyo midnimadii oo kala go’eyso oo la horseedo waa arkeynay waxyaabo badan oo maalmahan soo baxayay soo baxayay dad midnimada iyo jiritaanka dalka Soomaaliyeed wax yeelaya, waxyaabahaas ka hortageeda weeye ujeedada aan halkan u nimid”

Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada waqooyi ayaa xilal isugu jira Xildhibaano, wasiiro iyo xilal kale ka haya dowladda Federaalka, inkastoo Somaliland ay sheegtay inay dadkaas matalin, isla markaana tahay dal gooni uga go’ay Soomaaliya inteeda kale, balse aan wali helin aqoonsi caalami.

Shirkii Wada tashiga ee looga hadlayay doorashada 2016 ee todobaadkii hore lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa warmurtiyeedkii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi ee Somaliland laga qeyb geliyo arin kasta oo ku saabsan midnimada Soomaaliya.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment