12027 Views

Yaan Sacuudiga loo dhoofin gabdhaha Soomaaliyeed oo yaan lacag yar lagu doorsan|

Yaan Sacuudiga loo dhoofin gabdhaha Soomaaliyeed oo yaan lacag yar lagu doorsan|
____________________________________________________________________________

FIKRAD \ OPINION | Waxaa Boqortooyada Sacuudiga dhowaan ay soo jeedisey iney daneyneyso in haweenka Soomaaliyeed ay u ogolaaneyso dalkeeda iney si sharciya uga shaqeystaan u adeegida guryaha Sacuudiga, iyaga oo lagu shaqaaleynayo mushaar aad u yar, mushaarkaas oo aan daboleyn caafimaadka iyo nolosha shaqaalahaas. Waxaa intaas wehlisa iyada oo aysan cadeyn in shaqaalahaas loo ogol yahay qoysaskoodu iney kula noolaadaan wadanka Sacuudiga gudahiisa.

Ma aaminsani in maanta uu Sacuudigu u daneynayo Soomaaliya si haweenkoodu uga faa’ideystaan fursad shaqo. Waxey cid walba xasuustaa araxandarrida Sacuudiga oo shacabka Soomaaliyeed intii ka carrartay dagaalka sokeeye oo dhib iyo rafaad ku gashay Sacuudiga intoodi badanaa ay dalkooda ka soo tarxiileen, kuna soo daadiyeen Soomaaliya goobihii ay ka socdeen dagaalada sokeeye.

Sacuudiga oo ah wadan Islaama, haddana dal ahaan deris la ah Soomaaliya ma jiro hal qoys keliya oo Soomaaliya oo uu siiyey magangelyo uu ku badbaadinayo noloshooda, meesha dowladaha reer galbeedka ah ay malayiin Soomaaliyeed ku badbaadiyeen noloshooda. Arxandarrida intaas la eg waa mid ka fog dhaqanka insaanimada iyo xuquuqda Islaamka, iyo doorka laga filan karey dowlad Islaamka hormuud u ah oo tusaale wanaagsan u noqota hogaaminta Islaamka iyo dhulka barakeysan oo caalamka Islaamka oo dhan ay ku xiran yihiin.

Waxaan ku soo arkay Sacuudiga wadaado mitidiina oo hab ciidan ahaan u qabsaday dhulka barakeysan, kuwaas oo aan wax arxana lagu tababarin, dhaqankooduna ku saleysan yahay qaab xagjirnimo oo ay u badan tahay cidii aan dariiqadooda raacsaneyn iney si guud u galeynayaan ama dhaqamada Islaamka oo ka duwan dhaqankooda ay u arkaan mid aysan u dulqaadan karin, isla markiisna aad ka dareemeysid Islaanimada iyo Carabnimada iney shardi u tahay aaminsanaanta ay ku qabaan saafinimada diinta.

Sacuudiga waxey Soomaaliya ku fiirsanayeen saboolnimada ay ku jirtey wakhti dheer, mana dhicin inuu si xor ah ugu ogaaldo Soomaalida sanooyin badan oo la soo dhaafay iney dalkooda si sharaf leh uga shaqeystaan, wuxuuna Soomaalida ka door biday Hindida iyo Ashiyaanka idhoyarta ah. Maxaa maanta kalifay in Sacuudigu uu la yimaado dadaal uu ku muujinayo mid uu ugu daneynayo shacabka Soomaalida, gaar ahaan haweenka Soomaalida.

Sacuudigu waa boqortooyo ay dadkoodu ku kala xuquuq badan yihiin oo wadaniyiintoodu uma wada sina xuquuqda ay ku kala leeyiihiin daqliga ka soo gala kheyraadka dalka ka soo baxa, waxaana darajada kowaad mudnaanteeda iska leh qoysaska boqortooyada, waxaana xiga wadaadada la shaqeysta qoyska boqortooyada, waxaana ugu dambeeya wadaniyiinta caadiga ah, waxeyna wadaniyiinta Sacuudiga ku kala sareeyaan xaga sharciga, dhaqaalaha, iyo sinjiga.

Dhaqanka boqortooyada kama muuqato dhowrista xuquuqda insaanka iyo mida Islaamka, waxaana ku badan ciqaabta, cadaabta, iyo cabsigelinta xukunkoodu uu ku hayo shacabkooda iyo inta ku hoos nool. Sida ay u haboon tahay ima muuqato in dalkaas loo diro gabdha Soomaaliyeed oo aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo ka difaaci kara xadgudubyada loo geysan karo ama tacadiyada lagula kacayo jir ahaan, dhaqaale ahaan, iyo sharci ahaan.

Sacuudiga wuxuu daneynayaa inuu dhalinyarada Soomaaliyeed geliyo dagaalka uu kula jiro Iraan oo hadda sida dadban uga socda dalka Yemen iyo Suuriya, waxaana ka dhaadhacsan in raga Soomaaliyeed loo adeegsado dagaaladaas, haweenkooda oo aan wadan wax muxrim ahna ay noqdaan kuwo ku dhexmilma shacabka Sacuudiga iyagoo dhaqan adoonimo kula dhaqmaya.

Waxaa si weyn isu soo taraya in ciidamada Soomaaliya ay tababaranayaan wadamada khaliijka si ay uga dhigtaan derbi ay isaga difaacaan mowjadaha dagaal ee ku soo food leh wadamadooda. Hadda ka hor Talyaaniga Fashiistaha ahaa ayaa 1935 ciidan lixdan kun oo Soomaaliya uu ka qortay dagaal kula galay boqortooyadii Itoobiya, wax badan oo ragaas ka soo noqdayna lama sheegin, dadkoodiina wax xuquuqa oo muuqda lama soo gaarsiin, arrintaas oo mustaqbalka dhaawac ku ah xiriirka Talyaaniga iyo Soomaalida.

Dhaqdhaqaaqa ay wadamada khaliijka ugu soo dhowaanayaan Soomaaliya waa mid ay ku doonayaan in Soomaaliya ay uga dhistaan dowlad baryahooda hoos timaada oo ay ka yeelaan sida ay doonaan shacabka iyo kheyraadka ummadda Soomaaliyeed. Waxaa dalka ka jira urur-dimeedyo mitida oo ku xiran wadamadaas, kalana shaqeeya wadanmadaas dhinaca muqaabaraadka si ay u fududaato iney awooda keenaan wakiilada danahooda fulinaya.

Wakiiladaas waxey marar badan ka soo horjeedaan inuu xoogeysto xiriirka Soomaaliya iyo Iraan, waxeyna faafiyaan dacaayado ku saabsan in Iraan xiriirkeedu ku saabsan yahay fidinta shiicada iyo naceybka suniyiinta. Soomaaliya waa dal xor ah oo aan dalna meel ugu dabraneyn, calaqaad siyaasadeed oo soo jireenana uu kala dhexeeyo wadamo badan oo Islaama oo aan ahayn Carab, xiriirkaasina marna kuma saleysneyn dariiqada diinta Islaamka ay heystaan wadamadaas, laakiin wuxuu ku qotomey isxaqdhowr walaaltinimo oo salka ku haysa iskaashi Islaanimo.

Sacuudiga iyo Iraan labaduba waxey dibeda u soo dhoofiyaan dariiqooyinkooda xagjirka ah, laakiin mid walba mitidiintaas wuxuu ku dhibaa wadamada ay dhinaca dariiqada diinta ay gacan saarka ka leeyuihiin. Waxaa dalalka Islaamka ee saboolka ah oo u badan suniyiin ay dhibaatooyin kala kulmaan xagjirnimada ay faafinayaan wadamada khaliijka, waayo wadamadaas weli kama aysan hirgelin shiicanimadu, mana muuqato wakhtiga hadda la joogo jawi dhiirogelinaya fidinteeda.

Waxey hadda ka hor dowlad ka mida khaliijka ay sheegtay iney bixineyso mushaarka ciidamada Soomaaliyeed, taas oo sharaf dhac ku ah qaranimada ummadda Soomaaliyeed waayo ciidan qaran ma noqon karo mid ay shisheeyuhu bixiyaan mushaarkooda, haddii ay sidaas dhacdana iyaga ayuu danahooda u shaqeynayaa, wadankana xukun milateri oo dadban ayey ku qabsanayaan iyagoo dhaqanka calooshooda u shaqeystanimo ugu adeegsanaya ciidamadaas.

Waxaan aad uga digeynaa in si wanaagsan looga fiirsado iskaashiga ciidan oo ay qorsheynayaan wadamada ay horkaceyso Sacuudiga, kaas oo horseedi kara dad la’aan, xuquuq la’aan, iyo dal la’aan. Waxaana soo iftiimeysa ineysan Carab iyo Yuhud uusan midna noo ahayn sokeeye oo aysan jirin cid gooni noo xigta, wadamadaasna ay hadda ka mideysan yihiin mitidnimada dhinaca dhaqaalahooda ay ku kasbadaan dantooda u gaarka ah.

Waxaan ka soo horjeedna Soomaaliya oo ku jirta xaalad adag in haddana madaxdooda lagu laaluusho gelitaanka heshiisyo xaaraan ah oo aan loo wada sineyn oo shisheeyaha ay ku leeyihiin mudaanta kowaad ee lagu meelmarinayo danahooda u gaarka ah. Soomaaliya hadda diyaar uma ahan iney wadamada Carabta la gasho heshiis Soomaaliya ciidan looga qaadayo ama askar dhiigooda lacag yar laga siiyo oo qaab calooshada u shaqeystanimo loogu adeegsado.

.

Dr. Saciid Ciise Maxamud

saciidciise258@aol.com

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment