4455 Views

Baarlamaanka oo gudagalay wax ka badalka sharciga maalgeshiga dalka

Baarlamaanka oo gudagalay wax ka badalka sharciga maalgeshiga dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 28, 2015- Kulanka Baarlamaanka ee ay Xildhibaannadu ku gudagaleen wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shisheeye waxaa Golaha dib ugu soo celiyey Guddiga Dhaqaallaha, Warshadaha iyo Ganacsiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo iyagu sharcigan kasoo shaqeeyey, guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen oo Mudaneyaasha ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dhaqaallah dalka.

Xoghayaha guddiga Dhaqaalaha, Warshadaha iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Xuseen (Coonka) oo Xildhibaannada ka hor akhriyey wax ka bedelka sharcigan Maalgashiga Shisheeye ayaa qeexay sharcigan qodobbada uu ka kooban yahay iyo fursada maalgashi ee uu dalka u yeelan karo.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa gebagebadii tilmaamay in sharcigan oo ka mid ah sharciyada muhiimadda u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogana baahan yahay Xildhibaannadu iney soo akhristaan si loo gudagalo ka doodistiisa.

Sharciga maalgashiga shisheeye ee hadda Baarlamaanka u maraya marxalad ahaan akhrinta 2aad ayaa soo maray marxalado kala duwan, ayadoo sharciganna Baarlamaanka markii ugu horeysay la keenay 12kii June sanadkii 2013, balse ay dib ula laabteen golaha Wasiirada, waxaase dib hada loosoo celiyey 23kii June eee sanadkan 2015 sida ay guddoonka Golaha Shacabku qorsheeyeenna, waxaa sharcigan uu ku jiri doonaa sharuucda hortebinta leh ee la doonayo in la meel mariyo inta lagu guda jiro Kalfadhigan 7aad.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment