3519 Views

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo xilka iska casilay

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo xilka iska casilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 28, 2015- Wararka mar dhow naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, isla markaana xarun u ah dowlad goboleedka Puntland, ayaa sheegaya in u is casilay Guddoomiyaha baarlamaanka ee Puntland Saciid Xasan Shire.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in 40 ka tirsan Baarlamaanka Puntland ay mooshin ka keeneen, inkasta guddoomiyaha Baarlamaanka uu iscasilaadiisa u cuskaday in wada shaqeyn la’aan ay kala dhexeyso Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Aasiya Cabdi Maxmauud oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgalla Puntland oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in iscasilaada ay ka dambeysay khilaaf soo kala dhexgalay Guddoomiyaha is casilay iyo Madaxweynaha Puntland, kaasi oo ku saabsanaa lacago been abuur ah oo ay maamulka sameeyeen.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment