3381 Views

Taliska AMISOM oo baydhabo ka hirgeliyay isbitaal u gaar ah booliska K/galbeed

Taliska AMISOM oo baydhabo ka hirgeliyay isbitaal u gaar ah booliska K/galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 28, 2015- Taliska Ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaannada maamulka Koofur galbeed ayaa magaalada Beydhabo ka hirgeliyay xarun caafimaad oo loogu talagalay in lagu daaweeyo ciidanka Booliska ee ka howlgalla deegaanada Maamulkaasi.

Isbitaalka laga hirgeliyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa la qorsheynayaa in loo tababaro shaqaale badan oo ka howlgala xaruntaasi, maadaama ay u gaartahay ciidanka booliska.

Wasiirka amniga ee maamulka Koonfur galbeed Cabdifataax Ibraahim Geeseey oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay Baydhabo ayaa uga mahadceliyay ciidanka AMISOM, hirgelinta isbitaalka, waxaana uu intaa ku daray in halkaasi ay gaar u noqon doonto ciidanka booliska.

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed ahna Wasiirka Beeraha ee maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in isbitaalka loo dhisay ciidanka booliska ee Koonfurgalbeed uu yahay mid horumar ah oo ciidamada booliska u noqon doonto xarun lagu dabiibo, maadaama ay qorsheynayaan inay tababar siiyaan ciidamo badan, dhawaana ay bilaabi doonaan howlgallo amniga lagu sugayo.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment