9108 Views

Kulmiye: loollan iyo laab la kac !! Q2-aad

Kulmiye: loollan iyo laab la kac !! Q2-aad
____________________________________________________________________________

Kulmiyihii shalay, kulmiyaha Maanta iyo Kulmiyaha berry…’ Qormo lafo gur ah; Qorre: Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale

Arraar

  • SCC. kalshaale
    SCC. kalshaale

    “Umaan qaadan qalinka qayb

  • Umaan qorin weedha qolo
  • Umaan qallin hadalka quud
  • Dareenka qasbaa xarfaha
  • Qiyaas ugu dhigay kashkayga
  • Ee ninkii qoonsadoow ha qarin…”

Hordhac kooban;

Qormadan labaad ee Taxanaha gorfeynta geediga Siyaasaddeed ee loollanka Xisbiga kulmiye waxaan ku falan-qeyn doonaa Qaraxa culus ee durba iftiimiyey dil-dilaaca Xisbiga ku bilowday iyo nusqaanta uu ku keenayo jawiga cusubi miisaankii iyo mabaadii’dii uu ku socday, haba noqdeen kuwii laysku diidanaaye.

Maxaa ka Qarxay Kulmiye?

Waxba may dhicin!, deero deero may hirdiyin, dalkuna waa nabad, waanu sii ahaan doonaa nabad. dareen-baase bulshada uga baxay Is-casilaada huwantii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dareeray, kaasoo ah mid dhabar-jabin ku ah qaranka, laguna talo-galay.

Geesta kalena, talaabadan Iscasiladda sagaakja Wasiir ee Xukuumadda ka tegay waxay ahayd arrin la filayey billo ka hor intaanu gaadhin heerkan culus ee kala qaybsanaanta dhalisay, balse uu bilaabmay loollanka Murrashaxnimada xisbiga loogu tartamayo ee u dhexeeyey Golaha Wasiirrada qaarkood iyo hogaanka xisbiga, taasoo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud lumiyey wakhtigii uu ka hortegi lahaa ama uu wax ka qaban lahaa.

Si cad ayey saaxada siyaasada uga muuqatay dhacdadan dhegaha bulshada sida kediska ah ugu soo dhacday, waxaana saameynta ay dalka iyo dawladnimada ku yeellato masuuliyadeed qayb ku leh Madaxweynaha iyo ku-xigeenka oo ka gaabiyey xilligii wax laga qaban kari lahaa.

Hadiise Madaxweynaha iyo la-taliyeyaashiisu ogolaadeen inay ka qayb-galaan tartanka Murrashaxnimada, iyagoo xilal wasiirnimo haya. isticmaalaya Hantidii dawladda, sida Gaadiidka iyo Shidaalka qaranka loogu shaqaynayey, isla markaana ay ilaalinayaan Askartii Qaranku, mowqifka mutaxan ee ay isku casileen aan mar kale ku celiyee, wuxuu muujinayaa qorshe ay ku shafayeen Xukuumadda, taasoo haddii loo sii dhabo galo la heli karo halka ay ku arroorto iyo cidda la maleegtay shaxda ay ku socdaan. Waxa go’aankooda ka dhex muuqda Siyaasiyiin hore uga hulleelay qasriga oo wacad ku maray inay Madaxweyne Siilaanyo ku dul dumin doonaan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye. Kama madhna hindisahan kala daadinta Xukuumadda far shisheeye iyo Shirqool ujeedooyin badan.

Dhan kale haddaan ka istaagno qodobkaas dadku hadday isweydiinayaan maxay saameyn leedahay Iscasilaada dersinka Wasiirrada ah?.

Halagu kala lagu kala aragti duwanaadee, waxa loo badanyahay,inay ku kaceen fal la odhan karo wuxuu halis ku yahay milgaha iyo Maamuuska dawladnimo, midnimada Qaranka iyo musawirka Madaxweynaha dalka xukuma.

sidaas darteed, Inkasta oo aan la tusaaleyn Karin talaabooyinka tan xigta ee ay qaadi doonaan, halkay ka soo jeesan doonaan berri iyo mowqifka biyo kama dhibcaanka ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono shebekaddan ka dareertay Xukuumadda, haddana waa hubaal inay la kulmi doonaan ciqaab adag oo uu marsiin doono hogaamiyaha dalku.

Sidaan filayo Wasiirrada iscasilay qaarkood waxay waajahayaan culays badan oo kaga yimaada qasriga Madaxtooyada, daba-gal iyo la xisaabtan culus oo aanay ka dabaalan Karin. Waxaba qaarkood hortaala xisaab celin shan sannadood ah, silsilad siyaasaddeed oo lugaha loogu xidhayo iyo dabcan dunuubtii ay ka galeen bulshada rayidka ah muddadii shanta sannadood ahayd ee uu kulmiye dalka xumayey.

Isku soo wada duuboo aragtida ra’yul caamku kaga dareen celiyey naadigan garoonka ciyaartu ka socoto, ka dareeray ee uu hogaaminayo wasiirkii shanta sannadood hor-taagnaa Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kamida in dadka lafa-gura Siyaasadu u arkeen nabar ka fuqay Qaranka, oo xanuun iyo xasarad dibada ula guuray. Aniguse waxaan u arkaa rag ka cadhooday kubad garoonka dhextaala oo ka dhaxaysay garabkaa Murrashax Muuse Biixi. Waxa inoo muuqata inay xamili waayeen dhowrkii gool ee laga dhaliyey haafka hore.

Sidaas awgeed , Waxaanan isweydiinayaa maxay sameyn doonaan, lagase filli lahaa hadii ay sidaas kaga baxaan garoonka, kooxdan ka xanaaqday labadii gool ee bilowga Ciyaarta laga dhaliyey, hankooduna ku bur-buray dardartii hore ee loollanka, isla markaana durba halkaas ka fad-kudiyey.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada iska-casilay Golaha xukuumadda waxay kamid ahaayeen rukumadii ay ku taagnayd mid kamida labadii kooxood ee qadiyadaha iska soo horjeeda kaga loollameyey xisbiga intii madaxweyne siilaanyo xukunka hayey, kuwaasoo ahaa dab iyo dhagax aan Midna midka kale ogolayn inuu la fal-galo.

Waxaa hubaal ah inay kala badsadeen dheeftii xukuumadda Siilaanyo heshay shantii sannadood ee ay dalka xukumaysay Mood iyo nool. Qolada wadaadada ah ayaa intii badnayd Shogaanta u hayey qasriga, qaarkood waxaabay ka najaxeen mashaariicdii ay dilaalleen wakhtigaas, kuwona wali dhiisha ayey dhaaminayaan.

 

 

Kulmiye: loollan iyo laab la kac !! Q1-aad

 

 

.

La soco qormooyinka dambe..

Qorre: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Suxufi falanqeeya arrimaha Siyaasada

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment