4863 Views

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2016

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 29, 2015 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin soo gudbin Miisaaniyad sanadeedka 2016, iyo xog uruurin ay soo sameeyeen xubno ka tirsan guddigii loo xil saaray gurmadka Fatahaadaha laga cabsi qabo iyo roobabka El Niño.

Kulankan ayaa waxaa si qota dheer looga dooday Miisaaniyad sanadeedka sanadka 2016, oo ah kharash dhan 216, taasoo 64% (Boqolkiiba lixdan iyo afar), loo qoondeeyey inay ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, waxaana Miisaaniyaddan golaha u faah faahiyay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti.

Golaha Wasiirada, ayaa dood dheer kadib, meel mariyay Miisaaniyad sanadeedkan, waxayna Wasaaradda Maaliyadda ballan qaaday in haddii dakhliga gudaha dalka uu kordho dib u eegis lagu sameyn doono, si loo kordhiyo qoondada wasaaraddaha.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixin xog uruurin ah ka dhegeystay Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C.raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, waxayna ka warbixiyeen socdaalo ay ugu kuurgalayeen xubno ka tirsan guddiga gurmadka Fatahaadaha iyo Roobabka El Niño, gaar ahaana Hiiraan iyo J/hoose.

Guddiga ayaa tagi doona dhamamaam gobolada ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, si loogu sii tabaabusheysto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan goboladaasi, oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Fatahaado waaweyn iyo Roobab wata dabeylo.

shirka-golaha-wasiirada-oct29-4shirka-golaha-wasiirada-oct29-5 shirka-golaha-wasiirada-oct29-2 shirka-golaha-wasiirada-oct29-3

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment